Qaybta 2aad. ASTAAMAHA LACAGTA SHILLIN SOOMAALIGA

 

 

Qaybta 2aad.

ASTAAMAHA LACAGTA SHILLIN SOOMAALIGA

 



Lacagta Shillin Soomaaliga ee warqada ah, waxay leedahay astaamo badan oo Ku suntan, waxaana ka mid ah, Kheyraadka Dalkeena, Xirfadaha Dadkeena iyo Dhismayaasha Dalkeena, Laakiin ogoow waxaa Jirta 1 SUMAD oo SAWIR ah ( Watermark) oo ka dhex muuqata CALAAMADA GOOBADA AH ee cabirkeedu yahay 360°. Sawikuna waa SAYID Mohamed Abdulle Hassan: Sh.So. 1,000, 500, 100, 50, 20 & 10. Lacagta aan SUMADA LAHEYNI WAA 5 Shillin Soomaaliga ah.

Intaas ka dib, Maanta 1,000 So.Sh. (SOS), wuxuu Ku sugan yahay xaaladahan Hoos Ku xusan:-

1) 1,000 Shillin wuu baaba'ay,

 

JeexJeexmay oo Duugoobay.

2) Waxay maraysaa in 1,000-10,000 Sh.so. Lagu badasho lacagaha Electronics ama Ku xiran adeegyada Mobiles.

3) Ganacstada way mahadsan yihiin, inta ay awoodeen ee ahaa Inay Lacagtii Soo Jirtay wixii ka haray ay nuqul ama copy ka soo daabacaan.

4) Ganacsatadii way SII dadaaleen waxayna sameeyeen, Adeegyo isgaarsiin iyo bangiyo Ganacsi oo isku xiran, iyadoo WEHEL iyo badbaado looga dhigayo, 1,000 Sh.So iyo Ganacsiga Dalka.

5) LAGAMA QUUSAN, Lacagta 1,000 Shillin waxay maraysaa in lagu tollo harqaan, lagu tollo dun iyo cirbad iyo la isugu dhajiyo koolo.

Dalku wuxuu u baahan yahay LACAG Cusub, waana GO'AANKA UGU HOREEYA, UGU SAXSAN ay DOWLADDA QAADAN KARTO MAANTA........

Post a Comment

Previous Post Next Post