Qaybta 2aad.
ASTAAMAHA
LACAGTA SHILLIN SOOMAALIGA
Lacagta Shillin
Soomaaliga ee warqada ah, waxay leedahay astaamo badan oo Ku suntan, waxaana ka
mid ah, Kheyraadka Dalkeena, Xirfadaha Dadkeena iyo Dhismayaasha Dalkeena,
Laakiin ogoow waxaa Jirta 1 SUMAD oo SAWIR ah ( Watermark) oo ka dhex muuqata
CALAAMADA GOOBADA AH ee cabirkeedu yahay 360°. Sawikuna waa SAYID Mohamed
Abdulle Hassan: Sh.So. 1,000, 500, 100, 50, 20 & 10. Lacagta aan SUMADA
LAHEYNI WAA 5 Shillin Soomaaliga ah.
Intaas ka dib,
Maanta 1,000 So.Sh. (SOS), wuxuu Ku sugan yahay xaaladahan Hoos Ku xusan:-
1) 1,000
Shillin wuu baaba'ay,
JeexJeexmay oo
Duugoobay.
2) Waxay
maraysaa in 1,000-10,000 Sh.so. Lagu badasho lacagaha Electronics ama Ku xiran
adeegyada Mobiles.
3) Ganacstada
way mahadsan yihiin, inta ay awoodeen ee ahaa Inay Lacagtii Soo Jirtay wixii ka
haray ay nuqul ama copy ka soo daabacaan.
4) Ganacsatadii
way SII dadaaleen waxayna sameeyeen, Adeegyo isgaarsiin iyo bangiyo Ganacsi oo
isku xiran, iyadoo WEHEL iyo badbaado looga dhigayo, 1,000 Sh.So iyo Ganacsiga
Dalka.
5) LAGAMA
QUUSAN, Lacagta 1,000 Shillin waxay maraysaa in lagu tollo harqaan, lagu tollo
dun iyo cirbad iyo la isugu dhajiyo koolo.
Dalku wuxuu u
baahan yahay LACAG Cusub, waana GO'AANKA UGU HOREEYA, UGU SAXSAN ay DOWLADDA
QAADAN KARTO MAANTA........


إرسال تعليق