BARAARUGAY.


 

BARAARUGAY.

 


Marka la waraysto dadkii soo maray da'da u dhaxaysa 20_30, khibradahoodii, waxyaabihii mudnaa inay bartaan iyo waxyaabaha ay ka qoomamaynayaan inay waayeen, waxa ay isku af garteen inay tahay da'da ugu qaallisan ee waxa aad nafta ku jalbeebiso kaa anfici doonaan sahanka soddomeeyada. Innagana dad badan waxay kaga dhammaan doontaa social media. Sida ay kuwii hore uga dhammaatay fursad yari aawaddeed maanta oo fursaduhu baddaas yihiin dadku waxa ay ku jeedaan maalayacni. Anigu badanka waxaan jeclahay waxyaabaha aan arko inaan la wadaago dhalinta ila fekerka ah ee aan isleeyahay way u nugul yihiin inaad iswaydaarataan aqoonta ama waaya'aragnimada.

 

Inaan waxyaabahaa iswaydaaranno kaliya waxa ay kaa caawinaysaa inaad in yar ku dul hakato hadalkayga, dib u eegto waaqacaaga. Waan hubaa waad ogaanaysaa in taagantaadu kaaga baahantahay dhugmo saa'ida. Qofna laguma dhex aasayo faysbuug iyo tiktok toonna. Dhulka aad ku soconayso, marwalba waad huran tahay inaad isaga libintaada ka dhex raadiso.

 

Fadlan taleefannadan casriga ah aynu ka dhiganno sida xanjada marka aannu guulo badan gaarno wax aan ku dhereg dhacsanno. Yaysan idin qaadin badwaynta waxyaabaha muuq muuqda.

 

Halkaan qof walba waxa uu u yimi in uu muujiyo waxa uu ku wanaagsanyahay, balse waxa aad ku wanaagsantahay maaha waxa muujinaya jiritaankaaga iyo

 

sooyaalkaaga dame toonna. Waxa aad qabato ayaa kuu ahaan doona xus iyo xasuus.

Haddii aad ogaan lahayd sida degdega leh ee ay dadku kuu illaawii doonaan marka aad dhimato waqtigaaga waxa aad gelin lahayd inaad noloshaada iyo dambe daada uun u dedaasho.

 

Marwalba anigu waan qiimeeya waqtigayga, marar badan xanuun way igu noqotaa inaan naftayda u diido waxyaabaha ay filkaygu samaynayaan, laakiin gadaal waxaan uga jeedo iyagu uma jeedaan. Kama wado faan wallaahi waxa aan ujeedana maaha wax indheergaradnimo la xiriira kaliya waa inaan cabbiro ciribdameedka waxa markaa socda. Haddii aan tusaale ahaan joojiyay daawada musalsalada waqtiga dheer qaadanaya waxaan diraaseeyay kaliya in

 

waxani ay waligood socon doonaan waayo dad ayay shaqo iyo shuqul u yihiin, laakiin aniga ahaan aanay wax nafci ah iila soo noqonayn. Faa'iido wadaaga fikireed aad baan u aaminsanahay xitaa haddii qof aan sabab u ahaan karo maanta inu ku baraarugo waqtigiisa uu igaga hormaro hanashada guusha waan u bogaadin lahaa.

 

Waan la yaabaa dhalinyarada qaar saarta halka "bio" ku qorantahay ee faysbuuga oraahda dhahda nin ku yiri sinnaan mayno adna diid sarrayntiisa. Weli ma iswaydiisay ninka leh faysbuuga inu yahay wiil yar hantidiisana ka hela luminta waqtigaaga iyo mabda'aaga, shakhsiyaddaada iyo firfircoonidaada. Kulama sinna haddana sarrayntiisa ayaad ka shaqaynaysaa. Joogsi.

 

Gabdhaha aan in yar usheego haddii ba ay

 

jirto gabar soo akhrin doonta qormadaan illaa ay kasoo gaarto halka ay ku arkayso erayga "gabdhaha" abbaayooyin innagu waxaa nahay dad caaddifadu hogaamiso waxa taa caddaynaysa sida aan kala joogsiga lahayn ee ay habluhu deegaan walba ee ay joogaan xubno uga noqdeen tiktok. Xubin ka noqo tiktok laakiin macne ku dhex lahow.

 

Caannimada aan dhaafsiisnayn wajigaaga waxba kuma tarayso waayo waxaa ku huran sunnada adduunku ku socdo ee guurka ah haddii saddex sanno aad tiktok ka calanwalayso dabadeed lagu guursado taaso ah middii aad u joogtayba maalinta aad ilmo dhasho adiga oo aan garanayn sida loo korsado ama xitaa haddii ay wax kaa gaaraan sida gaari loogu kaxaysto ama haddii aad u baahato dibad aanad haysan kharash aad ku dhoofiso iyo wax

 

aad dhigatay toonna. Adaa ciinka daaqaya. Prankyadu ma dhammaan doonaan, heesuhu intaad maqashay waa ay kasoo badan doonaan heer aad kala garan waydo saddexdii asbuucee ugu dammeeyay heesihii soo baxay tii ugu macaanayd waayo waa wax la gelinayo juhdi waana khasab in ay noocyo badnaato, kala qurux badnaato, kala macaanaato. Sidaan ayu u siraadnaan doonaa sooshiyaal miidhiyuhu laakiin cumrigaagii maalmaha ahaa ee aad mid mid ugu siibaysay sooshiyaal miidhiyaha yaa kuuso celinaya. Cidna.

 

Waxaan arkay halkan inay fududahay in waqtiga la iskaga lumiyo, inay fududahay in la iscaayo, inay fududahay in hadal xishoodkii ka maranyahay lasoo qoro, waxaa fududaatay in la fududaado. Inaan la miisaamin erayada iyo ficillada waana sababta aan uga gaabsan doono

 

faysbuuga anigu.

 

Halkaan hadda kadib waxaan soo geli doonaa asbuucii labba maalin kaliya. Inaan hortiina ka sheego waxa ay igu caawin doontaa inaan go'aamadayda ku dhegnaado oo aan noqon qof aan eray lahayn.

 

Waxaan raalli gelin ka bixinayaa inta jeer ee aan iska hadlay anigu marna micnahaygu maahayn inaan cid istuso kaliya erayadii aan soo jillaabayay iyo tusaalayaasha ayaa halkaa ila galay.

 

Wixii hore been, haddii maanta intan aan idiin soo qoray aad gawska dame ku qabsan waydaan. Been ayay ii sheegeen dadkii dhahay waxbaan kaa faa'iidnay. Maanta magaranayo talo tan ka wayn oo aan soo gudbiyay. Ilaashada waqtigiina

 

waa dhumucda hadalkayga, dhalinyarada u dhaxaysa 20–30. Si guudna da' walba waqtigu qiimo ha idiin lahaado.

 

Nabad iyo wanaag baan idiin rajaynayaa.

 

Xigasho.

Post a Comment

أحدث أقدم