Qaybta 1aad.
XUSUUSNOW LACAGTA So.Sh
Aan wada xasuusano Lacagta Dalkeena Soomaaliya uu dhaxal ka Abtirsiimo, Dhaqaale, Ganacsi, iyo mid Astaanta Qaran ka noo wada ah.
Lacagta Shillin Soomaaliga, waxay ka koobneed:- 1)Lacag Warqad ah (Notes) iyo 2)Lacag Qadaadiic ah (Coins). Waxayna soo shaqaysay Mudo badan, waxaayna ahayd lacagaha Shillin Soomaaliga (So.sh.) lacag barako badan. Hadaba, Lacagta xoogeeda waxay shaqayn waysay Laga bilaabo xiliyadii u dhaxeeyay qiyaastii 1990-2004, waxaana ka hartay lacagtii dalka u lahaa So.sh. 1,000/- isaga ALLAA WATA O WEHEL UMA BAAHNA, lacag ka DANBAYSA oo SHILLIN SOOMAALI AH majirto. Ma is waydiinay qodobadan wali:-
1)Lacagta 1,000 So.sh. waa ASTAANTA KALIYA ee nooga hartay XORIYADDA IYO MAGACA AAN HAYSANO MAANTA, sidee Ku badbaadina.
2)Soomalideena waxaa Sharaf xumo noogu filan, Isticmaalka aan ku Isticmaalayno dalka gudihiisa LACAGAHA QALAAD, iyadoo Lacagta QALAAD loogu talagalay ganacsiga dalku uu la leeyahay dalka dibadiisa.......
3)Lacagta 1,000 So.sh. Dalka gudihiisa qiime kama lahan.
4)Waxaa u hiiliyay oo ay Ku danbaysaa Isticmaalka 1,000 So.sh. Ganacstada yaryar iyo Xoogsatada Muruqmaalka ah.
5)Waxaa sii yaraanaya Ganacsatadii 1,000 So.sh. Soo samayn Jiray Si ay Jiritaanka Lacagta 1,000 So.sh. u waaro iyagaga ay uga macaashaan.
6)Lacagta 1,000 So.sh. lagama yaqaan
wadamada dariska nala ah, Laakiin Lacagaha QALAAD ee wadamada dariska qiime ayay ka lee yihiin Dalkeena Soomaaliya Gudihiisa?
7)Lacagta sida wayn looga isticmaalo Dalka gudihiisa waa LACAGTA Maraykanka US$. Hadaba, Dalkeena Soomaaliya waa State ku darsamey, 52 Gobol u ka kooban yahay United States of America !!!
..........
W/Q: MOHAMUD ABDIQADIR
la soco qaybta xigta

إرسال تعليق