SOO KOOBID.

 SOO KOOBID.


Robert T. Keyosaki waa Japanese maraykan ah waxa uu leeyahay labo aabe midi waa  aqoonyahan shahaadooyin sar sare wata dawlada na u shaqeeyaa waxa uuna u bixiyey " aabahayga faqiirka ah " sidoo kale waxa jira adeerkii oo iskuul xataa aan dhamayn balse hada hantiile ah waxana uu u bixiyey " aabahayga hodonka ah".

Waxa uu is barbar dhigayaa hab fikirka labadiisa aabe ee kala duwan 100% , balse waxaa markasta guulaysanayey abihiisa hodonka.

Casharka1. Hodonku lacag darteed uma shaqeeyaan ee lacagta ayaa u shaqaysa : in aad lacagta darteed u shaqaysa waa in aad shaqaale noqotid subax walbana aad soo kacdid 5 ta oo aad 7 shaqada timaadid, oo aad 90% adigu shaqada qabatid  adiga oo weliba ka cabsanaya in shaqada lagaa cayriyo, hadhowna lagu siiyo mushar u dhigma  kharashaadka kaa baxa oo aan waxaba kaaga soo hadhin ,halka dadka hantiilayaasha ahi ay ku shaqaystaan lacag aysan iyagu lahayn(maal gashi) iyo waqti aysan iyagu lahayn oo ah ( waqtiga shaqaalaha), iyaga maamulayaal ayaa ganacsigooda u maamula oo shaqaalaha siday doonan u rarta balse iyagau faa'iidada oo saafi ah ayay dhamaadka bisha ku xisaabtamaan.

Casharka2. Barashada aqoonta lacagta: qoraagu waxa uu ina barayaa farqiga u dhexeeya "hantida iyo kharashaadka" , waxa uu leeyahay wax kasta oo jeebkaaga lacag soo galiya waa hanti, balse wax kasta oo jeebkaaga lacag ka saara waa kharashaad, sida gurigiina aad dagantihiin wuxu ka mid yahau kharashaadkiina, halka gurigiina aad kiraysaan uu lacag idiin dhaliyo oo wa hanti. Sidoo kale saboolku malaha hanti lacag dhalisa oo kharashaadkooda ayaa ka badan dakhliga iyaga  soo gala. Halka hantiilayaasha dakhligoodu ka badanyahay kharashaadkooda .

Casharka3. Yeelo ganacsigaaga gaarka ah. Ganacsiga laga hodmaa waa kan iskii lacagta u soo saara ee aan kaaga baahnayn wax shaqo iyo hawl ah, hodonku lacagta ayaa u shaqaysa oo waxa ay shaqaalaysiiyaan dad iyaga ka caqli badan oo shaqadooda u wada balse bishii ayay iyagu faaiidada shirkada jeebka gashadaan iyaga oo aan in yar xita ku daalin waayo waxay garteen macnaha ganacsiga iyo hodontinimada.

Kuwani cutubo ka mid ah buuga waa farqiyada u dhexeeya hab fikirka  u dhexeeya saboolka iyo hodonka balse buuga ayaad ka helaysaa " wadooyin , tusaalayaal, falsafado, iyo talooyin aadan weligaa maqal".

Abdalla niyad-same

Post a Comment

Previous Post Next Post