MAALQABEENADU MAXAY CARUURTOODA BARAAN? 

 MAALQABEENADU MAXAY CARUURTOODA BARAAN? 

Buugga "RICH DAD POOR DAD" Qoraaga ROBERT KIYOSAKI waxa uu ku sheegay in dadka dabaqadda dhexe iyo dadka saboolka ahi ay inta badan caruurtoodu la ildaran yihiin dhaqaale xumo sida waalidkood oo oo kale taana waxaa sabab u ah maqnaanshaha waxbarashada maaliyadeed (Financial Education).

Halka caruurta maalqabeenada ah ay ku raaxaystaan waxbarashada noocan ah iyaga oo yar. 


Hadaba Maxay Baraan Maalqabeenadu Caruurtooda? 


1- Anshax (Etiquette)

Dadka taajiriinta ah waxay diiradda saaraan inay carruurtooda baraan edebta ama anshaxa, Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay arrintaan u arkin wax weyn oo Muhiim ah, Laakiin sida laga soo xigtay warbixintin lagu qoray  Majaladda INSIDER qofka anshaxa wanaagsan leh wuxuu haystaa fursad sare oo lagu aqbalo jaamacadaha, shaqooyinka sarsare ee fiican, helitaanka maalgashadayaasha iyo deynta maalgelinta mashaariicda. 


2-Qorshaynta (Planning)

Dadka taajiriinta ah waxay ka caawiyaan caruurtooda mabda'a ah ka fikirka mustaqbalka fog, maaraynta waqtiga iyo mudnaanta, dejinta yoolalka iyo sameeynta caadooyinka caafimaadka qaba.

Halka caruurta dabaqadda dhexe iyo kuwa saboolka ahi ka fikiraan kaliya xilligan la joogo wax walbana waxay u haysaan un nasiib. 


3-Dhisidda Xiriirka (Networking)

Dadka taajiriinta ah waxay ku raaxaystaan oo ay leeyihiin ​​xiriir ballaaran. Waxay u gudbiyaan xirfadahan caruurtooda si ay mustaqbalka ugu fududaato inay caawimo ka helaan dadka saamaynta iyo awooda leh. 


4-Diirad Saaridda Hantida (Focus on the Net Worth)

Dadka taajiriinta ah waxay diiradda saaraan sidii ay carruurtooda  u bari lahaayeen faraqa u dhaxeya hanti(wealth) iyo dakhli(income). waxa laga yaabaa in dakhli badan ku soo galo hadana aad sabool tahay, halka laga yaabo adigoo mushaar dhexdhexaad ah qaato inaad dhisto hanti adoo diiradda saarayo iibsashada hantida (Assets) Sida hantida ma guurtada ah(guryahay iyo dhulalka), saamiyada iyo Shirkadaha. 


5- La tacaamulka Canshuuraha (Dealing with taxes)

Taajiriinta ilmahooda way yaqaaniin sida loo maareeyo canshuuraha. Waxay ogyihiin in sharciyada canshuuraha ay u xaglinayaan ganacsatada oo ay dhabarka ka jabiyaan shaqaalaha. 


6-Waqtiga ayaa ka Muhiimsan Lacagta (Time over Money)

Dadka taajiriinta ah ilmahooda waxay og yihiin in waqtigu xaddidan yahay si ka duwan lacagta. markaa uma shaqeeyaan lacag darteed.  Waxay had iyo jeer ku beddeshaan waqtiga qof kale lacag (Nadiifinta, Baabuur Wadista, Diyaarinta Cuntada iyo Shaqaalanimo) 


Xigasho buugga caanka ah ee "RICH DAD POOR DAD" ee uu qoray qoraaga caanka ah ee: ROBERT KIYOSAKI

Waxaana afkeena hooyo ku turjumay

jaamac sahal.

Post a Comment

Previous Post Next Post