SIYAASADDA IYO DHAQAALAHA

Siyaasadda iyo dhaqaaluhu waa laba waaxood oo aad isku saameeya mararka qaarkoodna hal baa la isaga dhigaa oo waa la is raaciyaa. Dhaqaalayahannadii hore waxaabay u arkayeen labo shay oo isku mid ah. Intii ka horraysay qarnigii 19aad, cilmiga dhaqaalaha waxa loo yaqaannay political economy. Adam Smith, David Ricardo, John Stuart Mill, iyo Karl Marx dhammaantood waxa ay cilmiga ay wax ka qorayeen u bixiyeen political economy. Waxa arrintan dhalisay iyaga oo ka shidaal qaadanayey aragtidii Aristotle ee ahayd in dawladda, bulshada iyo dhaqaaluhu ay hal wax isku yihiin. Dabayaaqadii qarnigii 19aad ayaa dhaqaalayahannadii xilligaasi magicii cilmigan ka reebeen erayga “political” oo ka dhigeen “economics”. Halkii ay markii hore ka ahayd waa in dawladdu waxaas qabataa/sidaa yeeshaa (normative orientations) si barwaaqo bulshadu u gaadho, waxa loo guuray in xisaab la adeegsado oo weydiimaha lagaga warceliyo habab xisaab ku dhisan, lana saadaaliyo sida wax noqon karaan mustaqbalka.
Political economy xilligan waa laan ka mid ah cilmiga dhaqaalaha oo lagu barto is dhex galka iyo isa saamaynta dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyo doorka ay tahay in dawladdu ka ciyaarto dhaqaalaha. Is dhexgalkan oo ah mid aad u weyn ayaa sabab u ah in siyaasadda gebi ahaanteedba uu sal u yahay dhaqaale. Siyaasiyiinta waxa inta badan lagu doorta ballan qaadkooda ku aaddan gaadhitaanka horumar dhaqaale iyo barwaaqo, iyo xallinta mushkilado dhaqaale oo jira. Siyaasadaha dawladda badankoodu waxa ay leeyihiin saamayn dhaqaale; taas ayaanay ku xidhantahay guusha iyo guul darrada siyaasaddaasi. Haddii siyaasaddu tahay mid caafimaad, waxbarasho, waddooyin, dekedo, madaaro, degaan, beero, xoolo ama tamar waxa ay si uun u saamaynaysaa dhaqaalaha dalka. Sidaas darteed, siyaasadaha dhaqaale waa in ay mar walba mudnaanta koowaad lahaadaan.
W/Q: Khadar muhumed.
Post a Comment