SOO KOOBIDA BUUGA DEEP WORK
Cal Newport waa Professor Computer Science ka dhiga Georgetown University (USA). Markuu shahaadadiisa Phd ka qaatay jaamacada caanka ah ee MIT (Massachusetts, USA)wuxu bilaabay inuu wax ka dhigo jaamacada Georgetown sanadkii 2011 isagoo ahaa 29 jir. Professorku karti sare ayuu ka muujiyay wax-dhigista iyo waliba cilmi-baadhista, taas oo sababtay in 2016kii jaamacada Georgtown siiso shaqo joogta ah (Tenured Professor). Waxa intaas dheer inuu professorku mudadaas qoray laba buug oo aad caan u noqday. Sidaa awgeed, Cal Newport maanta wuxuu ka mid yahay professorada ugu mudan jaamacadaha maraykanka.
Sirta horumarka Cal Newport
Markay dadku maqlaan sida dhakhsaha badan ee professorku shaqadiisa ugu horumaray, waxay u maleeyaan inuu Cal Newport yahay nin shaqadiisa hadh- iyo-habeen ku foorara oon waqti u helin reer iyo asxaabtoona. Hadaba, waxa la yaab leh in professorka shaqadiisu waligeed la dhaafin 5ta galabnimo. Hadaynu si kale u dhigno: professorku 8 saacadood wax ka badan ma shaqeeyo maalintii! Intaa waxa dheer, labada cishee sabtida iyo axada (weekend) maba taabto wax shaqadiisa rasmi-ga ah ku saabsan!
Hadaba waa maxay habka uu horumarkan degdega ah ku gaadhay professorku? Waxa nasiib wanaag ah in sirta horumarkiisa professorku inoogu sharaxay buuggiisa la yidha: Deep Work: Rules for Focused Success in a Distracted World.Buuggani waa mid ku saabsan sida hawshaad qabanaysid si tayo-sare leh loogu qabto. Habkan sida tayada-sare leh loogu shaqeeyo wuxuu professorku u bixiyay: Deep Work.
Waa maxay Deep Work?
Deep Work waa fikrad ku saabsan sida shaqadaad qabanaysid diirada loo saaro oo loogana takhaluso wax-kastoo shaqada kaa jeedin kara. Waqtigaynu joogno aad bay u yaryiin dadka shaqadooda xooga saari kara iyagoon kolba wax kale ku jeedsanayn. Dadka xirfadan leh waxay si dhakhso badan u baran karaan xirfado cusub. Sidaa darteed bayna uga horumaraan qayrkood uuna kasbadaan tixgelin iyo mudnaan. Qofku marku habka Deep Work shaqadiisa kudabaqowuxuu gaadhi karaa figta kartiisa maskaxeed.
Dhanka kale, Shallow Work waa habka caadiga ah ee ummada badankood u shaqeeyaan. Waxaana astaan u ah in qofku hawshuu hayo kolba wax ka jeediyaan. Waxyaabaha ku jeedin karaa waxay u badanyiin waxyaabo camalkaaga guud ka mid ah sida: email, phone calls, asxaabta shaqada… iwm. Hadaba qoraagu kama wado Shallow Work waligaa ha qabanin waayo marar badan waa kugu qasab. Laakiin wuxu ku doodayaa hadaad rabtid horumar iyo karti dadka kaa soocda waa inaad samaysatid waqti aad habka Deep Work ugu shaqaysid.
Sidee loogu shaqeeya habka Deep Work?
Maanta heerka tiknoolajiyadu marayso waxay kaliftay in shaqaalihii aqoonyahanka ahaa ay had iyo jeer mashquul noqdaan iyagoo hadana hawshay qabtaan tayo-sare lahayn. Taana waxa sababtay inay ku shaqeeyaan habka Shallow Work oo u diidaya inay helaan waqti ay sii fiican hawlaha muhiimka ah diirada u saaraan. Hadaad se rabtid inaad xaaladan ka badbaadid ood noqotid qof horumarkiisa iyo shaqadiisaba la tixgeliyo waa inaad ku shaqaysid habka Deep Work.
Hadaba waa maxay astaamaha Deep Work? Inaad habka Deep Work ku shaqaysid:
Waa inaad yeelatid nidaam shaqo oo kuu fududeeya inaad hawlaha ugu muhiimsan xooga-saartid, kaana leexiya waxkastoo hawshaad diirada-saaraysid kaa jeedinaya.
Waa inaad naftaada xakamaysid si markastood caajis dareentid hawsha u sii wadid intaad ka jeedsan lahayd.
Waa inaad iska jirtid wax kastoo hawshaad haysid kaa jeedin kara oo ay kow ka tahay social media. Qof kolba Facebook ama Twitter yara gelaya way adagtay inuu qabto shaqo tayo-sare leh.
Ugu dambayn waa in hawshaad qabanysid noqotaa mid aad niyad iyo jecayl u qabtid. Tusaale ahaan qoraaga buuggani Computer Science ayuu aad u jecelyahay sida darteed markuu habka Deep Work ku shaqeeyay wuxu noqoday professorada aad looga tixgeliyo caalamka Computer Science.
WXQ By Dr Ahmed Hussein

Post a Comment