BARAARUGAY.
Marka la
waraysto dadkii soo maray da'da u dhaxaysa 20_30, khibradahoodii, waxyaabihii
mudnaa inay bartaan iyo waxyaabaha ay ka qoomamaynayaan inay waayeen, waxa ay
isku af garteen inay tahay da'da ugu qaallisan ee waxa aad nafta ku jalbeebiso
kaa anfici doonaan sahanka soddomeeyada. Innagana dad badan waxay kaga dhammaan
doontaa social media. Sida ay kuwii hore uga dhammaatay fursad yari aawaddeed
maanta oo fursaduhu baddaas yihiin dadku waxa ay ku jeedaan maalayacni. Anigu
badanka waxaan jeclahay waxyaabaha aan arko inaan la wadaago dhalinta ila
fekerka ah ee aan isleeyahay way u nugul yihiin inaad iswaydaarataan aqoonta
ama waaya'aragnimada.
Inaan
waxyaabahaa iswaydaaranno kaliya waxa ay kaa caawinaysaa inaad in yar ku dul
hakato hadalkayga, dib u eegto waaqacaaga. Waan hubaa waad ogaanaysaa in
taagantaadu kaaga baahantahay dhugmo saa'ida. Qofna laguma dhex aasayo faysbuug
iyo tiktok toonna. Dhulka aad ku soconayso, marwalba waad huran tahay inaad
isaga libintaada ka dhex raadiso.
Fadlan
taleefannadan casriga ah aynu ka dhiganno sida xanjada marka aannu guulo badan
gaarno wax aan ku dhereg dhacsanno. Yaysan idin qaadin badwaynta waxyaabaha
muuq muuqda.
Halkaan qof
walba waxa uu u yimi in uu muujiyo waxa uu ku wanaagsanyahay, balse waxa aad ku
wanaagsantahay maaha waxa muujinaya jiritaankaaga iyo
sooyaalkaaga
dame toonna. Waxa aad qabato ayaa kuu ahaan doona xus iyo xasuus.
Haddii aad
ogaan lahayd sida degdega leh ee ay dadku kuu illaawii doonaan marka aad
dhimato waqtigaaga waxa aad gelin lahayd inaad noloshaada iyo dambe daada uun u
dedaasho.
Marwalba anigu
waan qiimeeya waqtigayga, marar badan xanuun way igu noqotaa inaan naftayda u
diido waxyaabaha ay filkaygu samaynayaan, laakiin gadaal waxaan uga jeedo iyagu
uma jeedaan. Kama wado faan wallaahi waxa aan ujeedana maaha wax
indheergaradnimo la xiriira kaliya waa inaan cabbiro ciribdameedka waxa markaa
socda. Haddii aan tusaale ahaan joojiyay daawada musalsalada waqtiga dheer
qaadanaya waxaan diraaseeyay kaliya in
waxani ay
waligood socon doonaan waayo dad ayay shaqo iyo shuqul u yihiin, laakiin aniga
ahaan aanay wax nafci ah iila soo noqonayn. Faa'iido wadaaga fikireed aad baan
u aaminsanahay xitaa haddii qof aan sabab u ahaan karo maanta inu ku baraarugo
waqtigiisa uu igaga hormaro hanashada guusha waan u bogaadin lahaa.
Waan la yaabaa
dhalinyarada qaar saarta halka "bio" ku qorantahay ee faysbuuga
oraahda dhahda nin ku yiri sinnaan mayno adna diid sarrayntiisa. Weli ma
iswaydiisay ninka leh faysbuuga inu yahay wiil yar hantidiisana ka hela luminta
waqtigaaga iyo mabda'aaga, shakhsiyaddaada iyo firfircoonidaada. Kulama sinna
haddana sarrayntiisa ayaad ka shaqaynaysaa. Joogsi.
Gabdhaha aan in
yar usheego haddii ba ay
jirto gabar soo
akhrin doonta qormadaan illaa ay kasoo gaarto halka ay ku arkayso erayga
"gabdhaha" abbaayooyin innagu waxaa nahay dad caaddifadu hogaamiso
waxa taa caddaynaysa sida aan kala joogsiga lahayn ee ay habluhu deegaan walba
ee ay joogaan xubno uga noqdeen tiktok. Xubin ka noqo tiktok laakiin macne ku
dhex lahow.
Caannimada aan
dhaafsiisnayn wajigaaga waxba kuma tarayso waayo waxaa ku huran sunnada
adduunku ku socdo ee guurka ah haddii saddex sanno aad tiktok ka calanwalayso
dabadeed lagu guursado taaso ah middii aad u joogtayba maalinta aad ilmo dhasho
adiga oo aan garanayn sida loo korsado ama xitaa haddii ay wax kaa gaaraan sida
gaari loogu kaxaysto ama haddii aad u baahato dibad aanad haysan kharash aad ku
dhoofiso iyo wax
aad dhigatay
toonna. Adaa ciinka daaqaya. Prankyadu ma dhammaan doonaan, heesuhu intaad
maqashay waa ay kasoo badan doonaan heer aad kala garan waydo saddexdii
asbuucee ugu dammeeyay heesihii soo baxay tii ugu macaanayd waayo waa wax la
gelinayo juhdi waana khasab in ay noocyo badnaato, kala qurux badnaato, kala
macaanaato. Sidaan ayu u siraadnaan doonaa sooshiyaal miidhiyuhu laakiin
cumrigaagii maalmaha ahaa ee aad mid mid ugu siibaysay sooshiyaal miidhiyaha
yaa kuuso celinaya. Cidna.
Waxaan arkay
halkan inay fududahay in waqtiga la iskaga lumiyo, inay fududahay in la
iscaayo, inay fududahay in hadal xishoodkii ka maranyahay lasoo qoro, waxaa
fududaatay in la fududaado. Inaan la miisaamin erayada iyo ficillada waana
sababta aan uga gaabsan doono
faysbuuga
anigu.
Halkaan hadda
kadib waxaan soo geli doonaa asbuucii labba maalin kaliya. Inaan hortiina ka
sheego waxa ay igu caawin doontaa inaan go'aamadayda ku dhegnaado oo aan noqon
qof aan eray lahayn.
Waxaan raalli
gelin ka bixinayaa inta jeer ee aan iska hadlay anigu marna micnahaygu maahayn
inaan cid istuso kaliya erayadii aan soo jillaabayay iyo tusaalayaasha ayaa
halkaa ila galay.
Wixii hore
been, haddii maanta intan aan idiin soo qoray aad gawska dame ku qabsan
waydaan. Been ayay ii sheegeen dadkii dhahay waxbaan kaa faa'iidnay. Maanta
magaranayo talo tan ka wayn oo aan soo gudbiyay. Ilaashada waqtigiina
waa dhumucda
hadalkayga, dhalinyarada u dhaxaysa 20–30. Si guudna da' walba waqtigu qiimo ha
idiin lahaado.
Nabad iyo
wanaag baan idiin rajaynayaa.
Xigasho.

Post a Comment