Waa maxay Cilmiga dhulku ama Geology?

Adkaha dhulku wuxuu ukala baxaa seddex lakab oo kala ah:
b) Lakab Qolofka Dhulka (Earth Crust Layer), wuxuu ka koobanyahay seddex lakab oo dhadhaab ah:
(1) Dhadhaab Shiileed (Igneous rocks)
(2) Dhadhaab dhalan rogad ama dhadhaab Cakudhashay oo loola jeedo dhadhaab Cadaadis iyo Kul kudhashay( Metamorphic rocks).
(3) Dhadhaab Lakabeed (Sedimentary rocks).
t) Lakab Milanka Dhulka (Earth Mantle Layer) iyo
j) Lakab Bu`da Dhulka (Earth Core Layer).
Dareeraha Dhulka waxaa u caansan Biyaha waxayna ukala baxaa labo qayb oo kala ah b) Biyaha sakxadda dhulka iyo
t) Biyaha Gunta dhulka. Biyaha sakxadda dhulka waxaa ka mid ah Biyaha badda, biyaha Roobka, iyo biyaha qulqula sida Wabiga iyo Waraha. Biyaha Gunta dhulku waa biyo dhulka ugu kaydsamay laba qaab (1) In ay kusamaysmeen dhulka hoose iyo (2) In ay kayimaadeen sakxadda dhulka.
Hawada dhulku waxay ukala baxdaa Afar Hawo lakab oo kala ah
1) Hawa lakabka koowaad (Troposphere) wuxuu ka bilawdaa sakxadda dhulka, 6 ilaa 10km ayaana badkiisu yahay, Hawa neefsiga (Oxygen) waa 21 boqolkiiba, Hawa nafaqada (Nitrogen) waa 78 boqolkiiba, Hawooyinka soo harayna waa 1 boqolkiiba.
2) Hawa lakabka labaad (Stratosphere ) waa Hawa lakabka ka ilaaiya dhulka Shucaaca taban we Cadceeda, wuxuu ka bilawdaa meesha uu kudhamaado Hawa lakabka koowaad badkiisuna waa 14.5km ilaa 55.5km dhulku meel ka fog, Hawa lakabkaan dhulka wuxuu ka yahay 19 boqolkiiba guud ahaan Hawada dhulka.
3) Hawa lakabka seddexaad (Mesosphere) waa Hawa lakab aad u qabow waxaana kusamaysma Daruuha wuxuuna qabowgiisu gaaraa -120 darajo oo taban, Hawa lakabkaan waxaa aad ugu yar Cuf-isjiidka dhulka, wuxuuna badkiisu udhexeeyaa 57km ilaa 98km dhulka meel ka fog.
4) Hawa lakab afaraad (Thermosphere) waa Hawa lakabka ugu sareeya Hawa lakabyada dhulka wuxuuna badkiisu yahay 100km ilaa 1150km dhulka meel ka fog, waxaa kubadan kulka Cadceeda oo gaaraya 500°C ilaa 2000°C darajo, waxaa aad ugu yar cuf-isjiidka dhulka sidaa awgeed waa xarubta Hawada ee Dayaxgacmeedyada Qaramada dunida gaar ahaan inta udhexaysa 370km ilaa 444km dhulka meel ka fog.
FG: dhulku waa sida qaabka ukunta sidaa awgeed Hawadu dhulka dhinackasta way ka xigtaa meeshaad dhulka ka joogtaba waxa kaasareeya waa Hawo.
Machadka Horumarinta iyo Cilmi baarista Jiyoolojiga Soomaaliya.
Somali Institute for Geological development and researche.
Post a Comment