Adam Smith iyo hanti goosadka

Adam Smith waxaa lagu yaqaanaa in uu yahay aabaha dhaqaalaha casriga ah iyo aasaasihii hanti goosadka waana qoraaga kitaabka ثروة الأمم walina dhaqaalayahannada u ah majaaljka ay baaristiisu ku foogganyihiin ●wuxuuna yimid marxalad loo baahnaa kadib markii ay fashilantahay fikradii (mercantilism) taas oo eheyd nidaamka dhaqaale ee markaas jiray sidaas daraadeed ● wuxuu kamid noqday kuwii ugu horreeyay isbadalka doonka isla sidaasoo kale wuxuu ku baaqayay qadarinta nashaadka qofeed iyo tartanka baayac mushtarka iyo xorriyada ganacsiga iyadoo oo loo arkayo dhabaha ugu wanaagsan ee loo maro xaqiijinta in badan oo hanti iyo najaax ah
Hadaba maxaad ka ogtahay aragtiyaha Adam Smith ee ay galbeedku muqaddaska u arkaan
● waxaa Smith lagu dhalay magaalo yar oo la yiraahddo kirkaldy wadanka Scotland sanadkii 1723 wuxuu ku biiray jaamacada University of glasgow sanadii 1737 isagoo 14 sano jira waxa ugu badan ee saameeyay intii ay daraasada usocotay waa falsafada akhlaaqeed sidoo kale waxaa uu in badan ka aqriyay aragtiyaha feylasuufkii reer Scotland ee david hume ee ku saabsanaada dabeecada basharka sidaas daraadeed waxaa uu noqday qof si weyn ugu maman arinkaan
Waxaa uu faafiyay Smith kitaabkiisii ugu horeeyay نظرية المشاعر الأخلاقية sanadkii 1759 kitaabkan oo ay aqrintiisa illaaween dadka badankood maadaama uu daraaseeyo dabeecada basharka oo uusan eheyn sida kitaabkiisa kale ee ثروة الأمم balse sida dhabta ah waa marin muhiim ah marka loo eego dhanka fahmida dawaaficda nafsadeed الدوافع النفسية ee qofka kadhigta in uu ku dhaqmayo anaaniyad ●waxaa Adam Smith saameeyay aragtiyihii casriga tanwiirka wuxuu qalinka ku adkeeyay sida aqoonyahannadii ka horeeyay ee tanwiirka in sifooyinka togan sida damaca iyo anaaniyada iyo xasadka in aysan eheyn tilmaamo xun xun sida ay diimuhu ku baaqayaan in laga fogaado ● ee bal waa tilmaamo gudeheenna ku beeran hadii aan diidno iyo hadii aan yeelnaba sidaas daraadeed waxaan aad uwanaagsan in sifooyinkaan looga faa,ideysto dariiqa maslaxada guud
●hadalkiisa kan ah waxaa uu yimid kadib markii uu in badan daraaseeyay fariimihii moonteeskiyoo 1689---1755 ee ku saabsanaa uqeybinta hay,adaha dowlada
1 laanta sharci dajinta 2 laanta fulinta 3 laanta garsoorka iyada oo la cuskanaayo mabda,a naceybka taas oo dadka dhan ku bixineysa in ay u shaqeeyaan si toosan si uusan fursad usiinin dhinacyada kale
Sanadkii 1776 wuxuu faafiyay kitaabkiisa labaad ahna kan ugu muhiimsan magiciisuna yahay بحث في طبيعة وأسباب ثروة الأمم wuxuuna kusoo aaday isla sanadkii uu dhashay wadanka USA uuna iclaamiyay in uu madaxbanaanidiisa ka qaatay isticmaakii ingiriiska taas oo noqondoonta dowlada ugu badan ee ay saameeyeen aragtiyaha adam Smith islamarkaana dhaqan galisay ● fikradda aasaasiga u ah curinta kitaabka wexey eheed howshii loogu jiray naqdinta fikradii ( mercantilism) taas oo culeys ku noqotay dowladaha ●Smith wuxuu isku dayay in uu cadeeyo in faa,idooyinka (مكاسب) dhaqaale ee uu dal walba leeyahay in uusan eheyn qassab daruuri ah in ay wadan kale khsaaro u noqoto ●jawiga colaadeed ee dalalka udhexeeya gaar ahaan nidaamka isticmaarka ee ku sigtay in uu wax kasta baabi,iyo ma noqon jawi caafimaad qaba marka loo eego isusocodka dhaqaale
Ee bal nidaamka dhaqaale ee Holland wuxuu doonay in uu hormariyo ganacsiga xorta ah si uu nashaadka ganacsi uu majaalka ugu ballaariyo sida ganacsatada iyo shirkadaha si uu dhaqaalaha usameysmo iyadoo aan loo baahan xukuumada
waxaan soo bandhigeynaa qodobada ugu waaweyn aragtiyaha adam Smith
●Aragtida gacanta qarsoon نظرية اليد الخفيه
Adam Smith waxaa uu aragtidaan kitaabkiisa uga hadlay hal mar hadana waa musdalaxa (aragtida)ugu badan ee ay adeegsadaan hada aqristayaashu wuxuu yiri
(in aan cashadeena helno maaha ixsaan ay inoo sameynayaan kawaanlaha iyo muunfo dubaha balse waa fiirsashada maslaxadooda gaarka ah)
●mida kale sida uu Smith qabo tartanka baayac mushtarka wuxuu suuqa uga bilowdaa si loo soo bandhigo adeegyada ugu wanaagsan iyo sicirka ugu jaban
Si kooban suuqa xorta ah uma baahna gacan nidaamiso ee isagaa naftiisa nidaamiya
● waa in xukuumada gacanta kala baxdaa waana in ay ganacsiga iska deyso si uu dariiqiisa umaro دع كل شي يأخذ مجراه الطبيعي tani waa gacanta qarsoon اليد الخفيه
Gacanta qarsoon sida dhabta ah waa anaaniyada ku maran dabeecada basharka ee uu ku cadeeyay kitaabkiisa نظرية المشاعر الأخلاقية
Iyadu waa tusaale nool sida uu Smith qabo waa in dabeecada basharka looga faa,ideysto yoolal nacfi leh si walbo oo ay u tahay mid togan
Dhan kale Adam Smith wuxuu soo bandhigayaa in uu sicirka isagu is jaangooyo isagoo cuskanaya mabda,a (bandhiga badeecada iyo dalabaadka) العرض والطلب ma aha in ay xukuumadu jaangoyso wuxuu lamid yahay arimhii aan kasoo hadalnay
(Qeybinta shaqada) in shaqada loo qeybiyo qeybo yar yar iyo takhasusaad wexey ka wanaagsantahay kana qiimo jabantahay in aad kaligaa u istaagto isla markaana qabato shaqada ● tusaale kale wuxuu soo jeedinayaa Adam Smith in ay dowlad kasta daneyso majaalka (arinka) ay ku wanaagsantahay islamarkaana ay ka shaqeyso arinkaas oo ay ku takhasusto ● waana in ay baneyso majaal si ay dowladaha kale uga soo dhoofsato badeecadaha ay iyagu ku wanaagsanyihiin ka shaqeyntooda kan waa tusaalaha nool ee aan maanta arkeyno ●moobeylka caaqilka ah ama kunbuyuutarka aad heysato ma ahan in ay hal dowlad suuragal utahay in ay farsameyso barnaamijka waa ameerikaan qabalabka electronic gana waa Germany isku dubaridkana waa China arinkaan iyo tusaalayaalka kale ee nool waxaa ay daliil uyihiin oraahda ah dunida oo dhami waxaa ay noqotay hal suuq
Lasoco qeybta labaad iyo dowrka xukuumada
Waxaa turjumay Mudane Maxamed
Post a Comment