Maxaa ka jiro ‘khiyaaliga’ ah in 10% aan ka isticmaalo maskaxdeena?

Maskaxda qeyb kasta oo ka mid ah shaqo gaar ah ayey qabataa - Haddaba arrintan kale sidey ku timid
Seynisyahanno ayaa been abuur ku tilmaamay arrin horey u jirtay oo ah in maskaxda ay shaqeyso 10% oo keli ah.
Maskaxda waa xubinta jirka ee ugu adag in la fahmo. Dad badan waxay aaminsan yihiin in qofkasta uu maskaxdiisa ka isticmaalo boqolkiiba 10 ka mid ah howsha ay qabato. Haddaba caddeyn maloo hayaa arrintaas?
Maskaxda waxay xukuntaa khibradda aan ka qaadano dunida nagu hareereysan. Waxay ka kooban tahay balaayiin unugyo oo qaada macluumaadka iyo xogta aan aragto maalin kasta.
Maskaxda waxay sidaa, xog, go’aanno, waxayna la timaadaa xalka ugu fiican ee arrin kasta. Sidoo kale waa xudunta dareenka aadanaha, dabeecadaha, xusuusta iyo ka warhaynta naftaada iyo wixii la mid ah.
Haddaba maskaxdu waa mucjiso looma na lahan aqoon badan. Mid ka mid ah ‘khiyaaliga’ la faafiyay waa in boqolkiiba 10% aan ka adeegsanno maskaxda.
Taa waxa ay tahay in aadanaha ay maskaxda ka adeegsadaan waxyar oo ka mid ah oo aysan ka faa’ideysan awoodda kale ee muhiimka ah.
Dadka badanaa way la kulmaan dhibaato dhanka maskaxda ah, sida in qofka uu fahmi waayo xisaab adag ama in aad illaawi waydo macluumaad maskaxdaada ku jira.
Baaritaan dhowaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in “khiyaali iyo wax aan jirin ay tahay arrinta ku saabsan in boqolkiiba 10% aan adeegsano maskaxda”.
Marka keli ah ee qeyb ka mid ah maskaxda aysan shaqeyn waa markii qeyb uu gaaro dhaawac ama cudur uu ku dhaco.
Halkuu ka yimid ‘khiyaaliga’
Cilmi baarayaal ayaa sheegay arrintan ay soo can baxday billowgii qarnigii la soo dhaafay ee 1900.
Waxaa loo maleynayaa in ay billaabeen dad six un u fahmay ama u fasiray baaritaanka maskaxda. Waxay arrintaa markii hore ku soo baxday boogga dhaqtarka Cilmu-nafsiga ee William James.
Wuxuu booggaa soo baxay sannadkii 1908, waxaana lagu magacaabaa, The Energies of Men. Waxaa ku qoran: “Waxaa isticmaaleynaa waxyar oo ka mid ah maskaxdeena iyo jidhkeena.”
Arrintaas waxay soo jiidatay waxyaabo badan oo magaalooyiinka ka socday. Sida Jilaayaal aflaan sameynayay oo mucjiso dhigay ka dib markii ay ‘adeegsadeen 90% kale ee maskaxda ee la sheegaysan in aysan shaqeynin’ iyo arrimo kale.
Sidoo kale kuwa dadka dhiirageliya iyo macallimiin ayaa arrintii sii faafiyay oo sheegay in maskaxda ay shaqeyso 10% oo keli ah, si ay u muujiyaan in dadka ay ku qasban yihiin in ay dadaalaan si guul wayn uga gaaraan adeegsiga maskaxda.
Jawaabta ku wajahan ‘khiyaaligaas’ ee seynisyahannada
Seynisyahannada Neerfaha maskaxda ayaa hadda sheegaya in arrintaas ay tahay been abuur:
Muuqaallo lagu qaaday qalabka casriga ah waxay muujinayaan in dhammaan qeybaha maskaxda ay yihiin kuwa u shaqeynaya si joogto ah, gaar ahaan marka qofka uu hadlayo, socdo, ama wax dhageysanayo.
Haddii khiyaaliga 10% uu run yahay, dadka la xanuunsan dhibaato ama dhaawac maskaxda ka soo gaaray ee qeyb ka mid ah jidhkooda uusan shaqeyneyn, maba aysan dareemin lahayn dhaawacaas. Sida dhabta ah, ma jirto qeyb ka mid ah maskaxda oo haddii uu dhaawac soo gaaro uusan oo iska sii fiicnaaneysa. Waa sababtaa midda keenta in dadka qaar, ay indha beelaan ama dhinac uu qalalo.
Wax badan ayaa la soo saari lahaa oo la ogaan lahaa, horumar na laga gaari lahaa, haddii aan qeybtaa yar ka adeegsano maskaxdeenna.
Maskaxda waxay adeegsadaa illaa boqolkiiba 20% ka mid ah awoodda ama tamarta jidhka. Haddaba waa la yaab in iyadoo waxaas oo dhan qaadaneysa in haddana waxyaar oo ka mid ah ay shaqeysaba.
Khariidadda maskaxda cilmi baaris laga sameeyay, waa lagu ogaan waayay ‘khiyaaligaas’ wax cadeynaya. Waxaa la helay in dhammaan qeybaha maskaxda ay shaqeynayaan, mid kastana ay howl gaar ah qabato. “Waxaa la sii ballaariyay cilmi-baarista, waxaana ugu dambeyn soo baxday in aysan jirin qeyb maskaxda ka mid ah oo iska densan ama aamusan,” sida ay qoreen Dr. Rachel C. Vreeman iyo Dr. Aaron E. Carroll oo baaritaan ku sameeyay arrintan horey loo faafiyay.
Waxaa nasiib darro ah in ‘khiyaaligaas uu sii jirayo, dadka na ay sii faafinayaan. Waxaa horey loogu faafiyay, xayeysiimo, barnaamijyo telefishan, jaamacado iyo meelo kale, taas ayaana sababeysa in arrintaan meesha ay ku sii jirto, lana arko dad aaminsan.
xigasho
Post a Comment