Nuxurka Buugga Furaha Ganacsiga
Furaha ganacisga waa buugga ka hadlaaya sida magaciisa aad ka dareemayso ganacisiga, waliba waxyaabaha aasaska u ah ganacsiga. Waxa qoray Saciid Cali Shire, oo ah qoraa aqoon durugsan iyo khibradba u leh ganaciga. Buugga daabacaadisi u horaysay waxa soo baxday 2008, tii labaadna 2014. Qoraagu waxa uu qoray buuggag kale oo ay ka mid yihiin Hoggaamiye, Bankiyadda Islaamka, iyo qaar kale. Buuggan iyo labada buugg ee kaleba waxa ay u qoran yihiin qaab akaadami ah(cilmiyaysan). Buuggan anigu markaan qiimeeyay, waxa uu u qalma in lagu daro buuggta sida akaadamiga ah loo dhigto. Buugga sida ka muuqata waxa ku baxay dadaal iyo cilmi baadhis badan. Waxa uu ka kooban yahay 3 qaybood iyo lix iyo toban cutub.
Maanta way ka duwan tahay buuggti hore ee aynu ku soo qaadanayn taxanaheena, sababta ugu wayni waxa weeya in uu buuggu yahay buugg cilmiyeed (academic) dhinac kasta hab qoraalka, xogta iyo faa’idadaba. Sidaas awgeed, mar haddii aan buugga akaadamiya soo qaadanaayo waa in aan xogta sida ay u kala muhiimsantahay u soo gudbiya, sidoo kale meelaha aan duduubka ku ishaaro fahan guud ka qaado, adiguna dib u raacde.
Qaybta koowaad waxa ay muqaal guud ka bixinaysa ganacsiga iyo muqaalka ganacsatada. Saddexda cutub ee ugu horeeya waxa uu Saciid ku lafa guraya waxa loo yaqaan ganacsiga yar yar (small business), sida uu u dhasho iyo xidhiidhka ka dhexeeya dawlada iyo ganacsiga yar yar. Waxa uu soo gudbinaya dhawr qeexinood oo uu leeyahay ganacsiga yar yar, iyada oo laga eegaayo halbeegyada tirada dadka ka shaqeeya, iibka, iyo faa’idada. Waxa uu ka waramaya ahmiyada uu leeyahay ganacsiga yar yari; sida in Maraykanka oo kale ay 97% shirikaadka wax dhoofiya in ay iyaga yihiin, in ku dhawaad 60 Milyan oo qofi ay ka shaqeeyan. Waxa uu ka waramaya Soomaalida iyo ganacsiga yar yar iyo waxyaabaha ka hortaagan, sida dawlad la’aan, is dhexgal la’aan, hoggaan xumo. Waxa uu tilmaamaya in ay Soomaalidu aad ugu fiicantahay ka faa’idaysiga suuqa kacsan (Turbulent Market). Waxa uu ka jawaabaya sida uu ku dhasho ganacsi yari; isaga oo ku tilmaamaya labo arin midkood. Wax kugu riixa (push factor) iyo wax kugu soo jiida (pull factor). Waxa kugu riixa waxaa ka mid aha shaqo la’aan, khilaaf soo kala dhex gala qofka iyo shirkada(waa haddii u shaqaale ahaa). Waxa kugu soo jiida waxa ka mid ah, xiise loo qabo xoriyad, hilow loo qabo in qofku meel sare gaadho iyo in uu hanti helo. Waxa kale oo uu tilmaamaya in ay dawladu dawr muhiim ah ku leedahay ganacsiga yar yar iyo in ay caawin karto si ay u kobcaan.
Antrabranoor (Entrepreneur) iyo muuqaalka antrabranoorka lagu dayn karaayo ayuu iyna so gudbinaya. Waxa uu ka waramaya ilaa sagaal dabeecadood oo uu leeyahay. Waxa uu ka waramaya waxa ay ku kala duwan yihiin antrabranoor iyo mulkiile-maamumule (owner-manager). Muqaalka antrabranoor lagu dayn karo waxaa ka mid ah in uu leeyahay afar moodeel; 1) Xirfado guud, 2) xirfad maamul, 3) dabeecadu iyo 4) qaabdhaqan antrabranoornimo. Cinwaanada ugu mihiimsan ee qaybtan ku jira ayaa iyana ah Hal-abuurnimda iyo ikhriraaaca. Waxa uu soo gudbinaya kala duwanaanshaha maskaxda u fakarta qaab hal-abuurnimo(Creativity) iyo ta u fakarta qaaba mandaq ah(rational). Tusaale in maskaxda hal-abuurka ahi in ay raadiso su’aalo, halka ta kale ay raadiso jawaabo kaliya. Shan wax ayay ku xidhantahay hal-abuurnimada shirkadaha yar yari, 1) Bay’adda shirkadda, 2) Dhaqanka shirkada, 3) Hogganka, 4) Hantida iyo xirfada(resources and skills) iyo 5) Qaabka maammul. Labo hab ayaa guud ahaan kor loogu qaada hal-abuurnimada shirkadaha 1) Maskax-maaxis(brainstorming) iyo Qiyaas(analogy). In wax cusub la daah-fayda(innovation) waxay ka kooban tahay afar qaacido(model) 1) Cilmhttp://i baadhis iyo horumarin (R&D) 2) Baahida iyo rabitaanka macmiisha(Market-pull model) 3) Isku xidhka daah-furka gudaha iyo dabada shirkada iyo 4) In la isku keeno saddexda (model) ee sare. Waxa uu leeyahay “Sida Henry Ford cabbiro, macmiishu markasta ma yaqaanan waxa ay u baahan yihiin. Ford ayaa la yidhi aynu macmiisha waydiino waxa ay u baahanyihiin. Xiligaas gaadhi waxa ahaa faras ay ‘wheels’ ku rakiban yihiin, wuxuu ku jawaabay: haddaan waydiino waxa ay u baahanyihiin waxa ay ku jawaabin; waxaanu rabna faras dheereya.”
Qaybta labaad waxa ay ka waramaysa Bilaabista, badbaadinta iyo kobcinta ganacsiga. Waxa uu soo minguurinaya ‘model’ ka koobaan saddex tiir, kaas oo fududeeya sidii lagu heli lahaa fursad dahabi ah. saddexda tiir waa : 1) Aqoon loo leeyahay suuqa iyo macmiisa ( waxa ay ku yimaadan wax barasho ama khibrad) 2) dhiifoonanta(alertness) 3) Shabakadaha(network). Waxa uu soo gudbinaya cilmbaaris statistical ah oo lagu sameeyay meelaha ay Soomaalidu ka helaan fursadaha, waxay ay u qaybsanta Soomaalida dibadaha iyo kuwa gudaha. Meelaha ugu badan ee ay Soomaalida guduhu ka helaan fikradaha waa in ay qof kaga daydaan 86%, halka kuwa dibadu ay yihiin 81%. Guud ahaan fikraduhu saddex ayay u qaybsamaan 1) Wax cusub, 2) Wax la minguuriyay(copy) iyo 3) Suuqa falanqayn(market analysis). Saddex nooc oo kalena fikradaha waa lagu helaa in aad lahaato Qaybta labaad waxa ay ka waramaysa Bilaabista, badbaadinta iyo kobcinta ganacsiga. Waxa uu soo minguurinaya ‘model’ ka koobaan saddex tiir, kaas oo fududeeya sidii lagu heli lahaa fursad dahabi ah. saddexda tiir waa : 1) Aqoon loo leeyahay suuqa iyo macmiisa ( waxa ay ku yimaadan wax barasho ama khibrad) 2) dhiifoonanta(alertness) 3) Shabakadaha(network). Waxa uu soo gudbinaya cilmbaaris statistical ah oo lagu sameeyay meelaha ay Soomaalidu ka helaan fursadaha, waxay ay u qaybsanta Soomaalida dibadaha iyo kuwa gudaha. Meelaha ugu badan ee ay Soomaalida guduhu ka helaan fikradaha waa in ay qof kaga daydaan 86%, halka kuwa dibadu ay yihiin 81%. Guud ahaan fikraduhu saddex ayay u qaybsamaan 1) Wax cusub, 2) Wax la minguuriyay(copy) iyo 3) Suuqa falanqayn(market analysis). Saddex nooc oo kalena fikradaha waa lagu helaa in aad lahaato buugg fikradeed, , maskax-maaxis iyo khadka(Internet databases). Si aad fikrada aad heshay ugu badasho fursad waa in aad saddexdan isku keenta 1) Fikradii oo fursad iminka noqtoay, 2) hantidii lagu bilaabi lahaa iyo 3) kooxdi, taasna waxa ka soo bixi kara qof leh xirfad hal-abuurnimo, isdhexgal bulsho(interpersonal skills) iyo hoggaamin.
Qorshaha ganacsigu waa mid ka mid ah tiirarka ama seeska ganacisga. Guud ahaan qorshaha ganacsigu waxa uu mara saddex marxaladood. 1) Meesha aad joogtid, 2) Halka aad u socotid iyo 3) Wixii ku gaadhsiin laha oo ah qorshe qoran. Saciid Cali Shire saddexda si faahfaahsan oo cilmiyaysan ayuu uga waramaya. Ganacisgu waa saddex qaab marka aad bilaabayso, in iminka shirkad cusub la yagleelo, mid hore u jirtay in la iibsadi iyo in shirkad magaceeda lagu ganacsado(franchising).
Ganacsigu waxa uu mara meerta nololeed, waxa uu ka bilaabma Fikrad-bilowga-koboca-qaangaadh-hoos u dhac. Ganacsigu laba hal ayuu u xun yahay, marka uu bilowga yahay iyo marka uu hoos udhaca ku jiro. Labadaas waxay u baahanyihiin, sabir, suuqgayn, ‘market analaysis, iibka oo kor loo qaado, cost oo laga baaran dego iyo wixii la mid ah ee lagu badbaadi karo. Labada kale, iyagu waxay u baahanyihiin in aad ka faa’idaysato oo aad u meel dayato. Qofka garta marxalada uu ku jiro afartaas, ganacsigiisa wuu badbaadin kara, waana guulaysan kara. Shan wax ayaa ka qayb qaata in shirkadi kobocdo, 1) Jihada suuqa, 2) Heerka daah-faydka(Innovation) 3) Nooca iyo baaxada tartanka 4) Dabeecada suuqa la suntaday 5) Aqbalaada shaqaalaha. Afar sababood ayaa iyana keena dhimashada iyo guuldarada ganacsiga: 1) Asbaabo la xidhiidha saylada ganacsiga, 2) asbaabo la xidhiidha shirkadda, 3) asbaabo la xidhiidha maammulka maaliyada 4) asbaabo la xidhiidha Mulkiilaha, Maammulka iyo shaqaalaha.
Qaybta saddexaad waxa uu kaga waramaya mawduucyo kala duwan oo ah tiirarka ganacsiga. Waxa ka mid ah suuq-gaynta oo ah wax aan wakhti ku qoodaysnayn, mar bilaabmata waligeedna jirta ilaa inta ganacsigaasi jiro. Suuqa la iskumawada balaadhiyo ee wa la qaybqaybiya(market segmentation). Haddii aad suuqa abla ablaysid waxaad ka faa’idaysa 1) In aad fahanto macmiil walba baahidiisa, 2) Tartanka suuqa in aad fahanto 3) Istaraatiijiyo suuqgayneed in aad lahaato, 4) in aad kala ogaato suuqa dihin, alaabta soconysa, iibku halka uu ku badan yahay. Suuqu waxa uu u baahanyahay suuq baadhis (market research). Waxa uu mara hilin ka bilowma 1) Qeexida dhibta 2) Qaabka aad u samaynsid daraasada (methodology) 3) Xog soo uruurin 4) Abla ablaynta xogta(analyzing) 5) Turjumida iyo soo bandhiga warbixinta xogta(report). Sidoo kale tartanku waa meela ganacsigu ku fashilmo ama ku waaro. Daraasad aya samayeen Lefewvere(1993), waxa lagu ogaaday in shirkadi ay shirkad kale kaga duwanaan karto saddex wax 1) Tayadda 2) Kharashka(cost) 3) Kala duwanaanta.
Ganacsigu sidoo kale waxa aanu ka maarmin anshaxa iyo qaab dhaqanka wanaagsan. Marka shirkada gudaheeda la joogo iyo marka laga baxsan yahayba waxa loo baahanyahy anshax wanaagsan. In kasta oo Saciid Cali Shire anshaxa wax ka taabtaabtay, baal aan ana idin la wadaago qaar ka mid ah anshaxa ganacsiga. Shariikaadka reer galbeedku iyagu anshaxa badhna way ku fiicanyihiin badhna way ku liitan. Halka wadamada Muslimka ahi sharcigoodu uu ka diidaayo in ay ku kacaan falal ku lid ah anshaxa, ka hadli maayo ku dhaqan ee waxaan tilmaamaya sharciyan. Labada sharci iyo qiyam waxa ay is dheer yihiin midna waa mid joogta ah, halka ka calmaaniga ahi (secular) uu yahay wax guurguura. Tusaale, halka inaga daroogada sharcigenu ay xaaran ka tahay, iyaga waa banaan. Khalifa(2001), waxa uu soo gudbinaya anshaxa Islaamku la gaar yahay. Waxa uu saldhig uga dhigay laba tiir oo waaweyn, 1) Tawxiidka 2) Toosnaanta (istiqaama). Labadaas tiir ayaa hagaaya anshaxa Islaamka, waxayna yeelanayaan laamo ka abuurma labaadas xidid. Sidoo kale Hanafy iyo Sallam (1995), waxa ay soo gudbiyaan lix xeer oo anshaxa ganacsiga ee Islaamka uu ku duulo. 1) Ammano (Truthfullness), 2) Run (Truth) 3) Walaaltinimo(Brotherhood), 4) Aqoon iyo daraasad(knowledge) 5) cadaalad(Justice). Sidasa awgeed ganacigu waxa uu u baahanyahy anshaxa xeerarkaas (principles) iyo moodeeladaas leh, waana waxa ay ganacsiyadeena Soomaalidu ku liitan wakhtiyadan dambe. Waxaad arkin qof ka ganacsanaaya wax aan xalaal u ahayn, waxaad arkaysa ganacsi ku dhisan anigu aan faa’ido qofka kalena ha khasaaro(win-lose). Waxaad arkaysa ganacsi aan cadaal ku dhisnayn, labada dhinacba shaqaalaha iyo macmiilka. Waxaad arkaysa ganacsi tayadda iyo tiradaba alaabta laga beenshegaayo. Diinteenu waa diin caalami ah, waa diin aan nafaha kaliya ilaalin ee xitaa maalka iyo khayraadka ilaalisay. Waa diin ay wax waliba ku dhanyihiin, ee maxay kugu taala xeerar reer galbeed soo qoray oo bilaa qiyam ah ayaa laynagu shubay. Ma diidani in aynu wax kasta oo wanaagsan ka barano, laakin waxa meesha taala nus dambeedkaagi kula naqo, kawaanka saar oo maxa ka khaldan dheh.
Intaas ayaan ku soo afmeeraya, Nuxurka buugga Furaha ganacsiga oo uu qoray Saciid Cali Shire. Waa buuggi koowaad ee luuqada Soomaaliga ku qoran ee aynu ku soo qaadano barnaamijkan. Xulashada aan xushay, waxaan u eegay faa’idada ugu jirta ummada. Waa buugg qofkii akhriya uu ugu horayntii cilmi ka faa’idaayo, marka labaad uu si fudud uga shiidal qaadan karaayo. Maaha buugg loo qoray madadaalo, ee waa buugg loo qoray in uu ummada badelo. Qoraalku wuu dheeryahay, hasa ahaate inta aan soo gudbiyay waa korka xaadin. Waxaad u baahantahay in aad buugga akhrido. Haddii aan wax khalday, waa aniga iyo nusqaantayda ee ha lay cudurdaaro. Inta aynu buuggan ka xiga ku kulmayno, waxaan idin leeyahay wax ha la akhriyo si maanka iyo garashadeenu u kobocdo.
سبحانك اللهم وبحمدك، أشهد أن لا إله إلا أنت، أستغفرك وأتوب إليك
W/Q:Yaxye

Post a Comment