ISKA DHICI(ISKA CELI) Qaybta Koowaad

 

ISKA DHICI(ISKA CELI)

Qaybta Koowaad

 


.........................................................................................................................................

Tane ahaan ayaan sii wadi doonnaa, 

Bal dhuux, maxay se kula tahay FARRIINTA sheekadu gudbinayso.

 

........................................................................................................................................

Asaga oo labo bilood jira, ahna mid markasta dhabarka oo keli ah u yaalla , awoodinna in uu dhinacna isu rogo, ayaa dadka derisku ay soo booqdaan, oo sida caadada u ahba soo arkaan ilmahii yar ee ku soo kordha xaafadaha.

 

Intii ay soo dul fariistaan ilmaha, oo waliba ku soo foorarsadaan una soo

 

dhawaadaan, ayay gacantiisa yarta ah kor u qaadaan kadibna ku garaacaan daankooda si tartiib ah, waxa ayna ku yiraahdaan, "waryaa iska dhici! Iska dhici." Waxa ay ugu muujiyaan in gacantiisa yar, ee ay daamankooda ku garaacayaan ay xanuujin karto qofka daankiisa.

 

Markasta oo uu sii waynaaday, waxyaabo badan ayaa uu ka kala baraneyey dadka, ayna ka mid yahiin xirfadaha ISKA DHICINTA iyo DAGAALKA.

 

Waxa uu fahmay in markasta oo lagu yiraahdo, "waryaa iska dhici" uu isku dayo waxii tabartiisa ah, sida laad(laag), dharbaaxo, iyo xataa qaniinyo haddii uu awoodo, asaga oo la beegsanaya qofkii ugu dhoow ama farta loogu fiiqo. Cayaar iyo qosol ayaa dadka dhammi ka dhigtaan, halka asaguna uu casharro ka baraneyey.

 

 

Haddii uu yara weynaaday ee uu sanad jirsaday,  hadda waxa uu awoodaa in uu adeegsado gacantiisa iyo in uu dharbaaxo ku dhifto ciddii uu doono. Waxa uu bilaabay in uu dharbaaxayo walaalahiisa ayaguna carruurta weli la ah balse isaga ka da'a weyn. Marmar kale waxa uu dharbaaxo ku dhuftaa dadka waawayn, siiba kuwa asaga kor u qaadaya. Waloow aysan gacantiisu weli yeelan awood wax xanuujisa, balse markasta oo uu dharbaaxo cid ku dhufto, waa lagu wada qoslaa. Waa uu u sii bogaa qosolka dadka, marar badan oo kale ayuuna dharbaaxo sameeyaa, ayna xataa dadkaas ka mid yahiin hooyadiisii dhashay ama aabbahiis.

 

Waxa uu bilaabay in uu kala jeclaysto oo kala doorbido waxyaabaha u muuqanaya, waxaana loogu abaalguday siinta

 

walax(shay) kasta oo uu gacanta u taagto, haabto ama soo qabsado. Walxaha qaarkood waxaa iska leh ama ay gacntooda ku hormartaa walaalahiisa kale, balse haddii uu isagu dalbado, waa ay siiyaan.

 

Haddii walaaladiis siin waayaan waxa uu ka doonayo, waxa uu isku

dayaa in uu ka qaato asaga oo rumaysan in xooggiisa yari uu ka awood badanyahay walaalahiisa ka waawayn iyo dadka kaleba. Marmarka uu guuldarraysto xooggiisa yari, ee carruurtu u diidaan ama kala cararaan shayga uu doonayo, xeelad kale ayuu sameeyaa, asaga oo oohin(boohin) ciirsada.

 

"Ha ka oohin nuunaha yarka ah, ee sii" iyo "hooyo, wuu kaa yaryahaye, sii" waxa ay ka midyahiin oraahyada hooyadu ku tiraahdo

 

carruurta kale, isaguna uu ku helo wax kasta oo uu u ooyo si loo siiyo.

....

Socodkii ayuu bartay, waxa uuna u sii fududeeyey helista iyo qaadashada waxyaalo badan oo asaga oo keli ah xiiso u leh ama ay qaarkood weli sidoo kale xiiso u leeyahiin walaalahiisa yaryar ee asaga ka waawayn. Carruurta kale ayuu hadba dhinac ugu raacaa guriga iyo deyrkiisa, ayaga oo ujeedkoodu yahay in shay kasta laga dhigto wax lagu cayaaro. Hadda waxa uu si fiican u rumaysanyahay in uu heli karo shay kasta oo uu doonayo, ayna siinayaan ama uu ka qaadan karo carruurta oo dhan. Haddii midkood u diido waxa uu rabo in uu ka qaato, dharbaaxadii la baray ayuu u adeegsadaa. Nasiib darro dharbaaxadiisii waxa ay noqotay mid xoog leh, waxayna ka caraysiisaa ilmo kasta oo uu ku dhufto, taasina waxa ay keentay in

 

carruurta ka waawayn aan midkoodna u qoslin markii uu dharbaaxo ku dhufto, balse ayba ugu beddelaan dharbaaxo kale oo ka xooggan tiisa,  sidaasna uu oohin ku bilaabo. Waxa uu ogaaday in maaddaama uu socodkii bartay, aysan hooyadiis markasta joogin agtiisa kana celinayn ciddii dharbaaxadiisa ka xanuunsata ee ayadna midkale ugu beddesha.

 

Haddaba si uu carruurta kale uga qaato waxa ay haystaan, isla markaasna uga badbaado dharbaaxadooda,  waxa uu keenay xeelad cusub. Waxa uu bartay in uu wax dafo kadibna la cararo shaygaas, asaga oo u tagaya hooyadiis, sidaasna ilmaha kale uu uga haro. Dafidda alaabta oo keli ah kuma ekaanine, waxa uu ku daray in sidoo kalena uu dharbaaxadii ku dhufto ilmaha kale kadibna u cararo hooyadiis, sidaasna hooyadu uga celiso

 

ilmaha kale ayada oo ku oronaysa, "waa idinka yaryahay" iyo "waan dilayaa qofkii iga taabta wiilka yar."

 

Daf oo la carar,  hooyo ayaa cidkasta kaa celinaysa, ayuu bartay. Iyo sidoo kale "waan ku dilayaa" in uu qof walba ku yiraahdo maaddaama uu ka maqlay hooyadiis oo oronaysa ereyada "waan dilayaa"

 

Intaas kadib, waxa uu isla waayadaasba bartay labo erey oo kale, XUUX iyo NACNAC kuwaas oo saamayn iyo hagitaan weynba u noqday noloshiisii dambe.

 

La soco qaybo kale

 

ISKA DHICI

 

Waxaa Qoray Dr Jaamac Sahal 

Post a Comment

Previous Post Next Post