ISKA DHICI(ISKA
CELI)
Qaybta Koowaad
.........................................................................................................................................
Tane ahaan ayaan sii wadi doonnaa,
Bal dhuux,
maxay se kula tahay FARRIINTA sheekadu gudbinayso.
........................................................................................................................................
Asaga oo labo
bilood jira, ahna mid markasta dhabarka oo keli ah u yaalla , awoodinna in uu
dhinacna isu rogo, ayaa dadka derisku ay soo booqdaan, oo sida caadada u ahba
soo arkaan ilmahii yar ee ku soo kordha xaafadaha.
Intii ay soo
dul fariistaan ilmaha, oo waliba ku soo foorarsadaan una soo
dhawaadaan, ayay
gacantiisa yarta ah kor u qaadaan kadibna ku garaacaan daankooda si tartiib ah,
waxa ayna ku yiraahdaan, "waryaa iska dhici! Iska dhici." Waxa ay ugu
muujiyaan in gacantiisa yar, ee ay daamankooda ku garaacayaan ay xanuujin karto
qofka daankiisa.
Markasta oo uu
sii waynaaday, waxyaabo badan ayaa uu ka kala baraneyey dadka, ayna ka mid
yahiin xirfadaha ISKA DHICINTA iyo DAGAALKA.
Waxa uu fahmay
in markasta oo lagu yiraahdo, "waryaa iska dhici" uu isku dayo waxii
tabartiisa ah, sida laad(laag), dharbaaxo, iyo xataa qaniinyo haddii uu awoodo,
asaga oo la beegsanaya qofkii ugu dhoow ama farta loogu fiiqo. Cayaar iyo qosol
ayaa dadka dhammi ka dhigtaan, halka asaguna uu casharro ka baraneyey.
Haddii uu yara
weynaaday ee uu sanad jirsaday, hadda
waxa uu awoodaa in uu adeegsado gacantiisa iyo in uu dharbaaxo ku dhifto ciddii
uu doono. Waxa uu bilaabay in uu dharbaaxayo walaalahiisa ayaguna carruurta
weli la ah balse isaga ka da'a weyn. Marmar kale waxa uu dharbaaxo ku dhuftaa
dadka waawayn, siiba kuwa asaga kor u qaadaya. Waloow aysan gacantiisu weli
yeelan awood wax xanuujisa, balse markasta oo uu dharbaaxo cid ku dhufto, waa
lagu wada qoslaa. Waa uu u sii bogaa qosolka dadka, marar badan oo kale ayuuna
dharbaaxo sameeyaa, ayna xataa dadkaas ka mid yahiin hooyadiisii dhashay ama
aabbahiis.
Waxa uu
bilaabay in uu kala jeclaysto oo kala doorbido waxyaabaha u muuqanaya, waxaana
loogu abaalguday siinta
walax(shay)
kasta oo uu gacanta u taagto, haabto ama soo qabsado. Walxaha qaarkood waxaa
iska leh ama ay gacntooda ku hormartaa walaalahiisa kale, balse haddii uu isagu
dalbado, waa ay siiyaan.
Haddii
walaaladiis siin waayaan waxa uu ka doonayo, waxa uu isku
dayaa in uu ka
qaato asaga oo rumaysan in xooggiisa yari uu ka awood badanyahay walaalahiisa
ka waawayn iyo dadka kaleba. Marmarka uu guuldarraysto xooggiisa yari, ee
carruurtu u diidaan ama kala cararaan shayga uu doonayo, xeelad kale ayuu
sameeyaa, asaga oo oohin(boohin) ciirsada.
"Ha ka
oohin nuunaha yarka ah, ee sii" iyo "hooyo, wuu kaa yaryahaye,
sii" waxa ay ka midyahiin oraahyada hooyadu ku tiraahdo
carruurta kale,
isaguna uu ku helo wax kasta oo uu u ooyo si loo siiyo.
....
Socodkii ayuu
bartay, waxa uuna u sii fududeeyey helista iyo qaadashada waxyaalo badan oo
asaga oo keli ah xiiso u leh ama ay qaarkood weli sidoo kale xiiso u leeyahiin
walaalahiisa yaryar ee asaga ka waawayn. Carruurta kale ayuu hadba dhinac ugu
raacaa guriga iyo deyrkiisa, ayaga oo ujeedkoodu yahay in shay kasta laga
dhigto wax lagu cayaaro. Hadda waxa uu si fiican u rumaysanyahay in uu heli
karo shay kasta oo uu doonayo, ayna siinayaan ama uu ka qaadan karo carruurta
oo dhan. Haddii midkood u diido waxa uu rabo in uu ka qaato, dharbaaxadii la
baray ayuu u adeegsadaa. Nasiib darro dharbaaxadiisii waxa ay noqotay mid xoog
leh, waxayna ka caraysiisaa ilmo kasta oo uu ku dhufto, taasina waxa ay keentay
in
carruurta ka
waawayn aan midkoodna u qoslin markii uu dharbaaxo ku dhufto, balse ayba ugu
beddelaan dharbaaxo kale oo ka xooggan tiisa,
sidaasna uu oohin ku bilaabo. Waxa uu ogaaday in maaddaama uu socodkii
bartay, aysan hooyadiis markasta joogin agtiisa kana celinayn ciddii
dharbaaxadiisa ka xanuunsata ee ayadna midkale ugu beddesha.
Haddaba si uu
carruurta kale uga qaato waxa ay haystaan, isla markaasna uga badbaado
dharbaaxadooda, waxa uu keenay xeelad
cusub. Waxa uu bartay in uu wax dafo kadibna la cararo shaygaas, asaga oo u
tagaya hooyadiis, sidaasna ilmaha kale uu uga haro. Dafidda alaabta oo keli ah
kuma ekaanine, waxa uu ku daray in sidoo kalena uu dharbaaxadii ku dhufto
ilmaha kale kadibna u cararo hooyadiis, sidaasna hooyadu uga celiso
ilmaha kale
ayada oo ku oronaysa, "waa idinka yaryahay" iyo "waan dilayaa
qofkii iga taabta wiilka yar."
Daf oo la
carar, hooyo ayaa cidkasta kaa
celinaysa, ayuu bartay. Iyo sidoo kale "waan ku dilayaa" in uu qof
walba ku yiraahdo maaddaama uu ka maqlay hooyadiis oo oronaysa ereyada
"waan dilayaa"
Intaas kadib,
waxa uu isla waayadaasba bartay labo erey oo kale, XUUX iyo NACNAC kuwaas oo
saamayn iyo hagitaan weynba u noqday noloshiisii dambe.
La soco qaybo
kale
ISKA DHICI
Waxaa Qoray Dr Jaamac Sahal

إرسال تعليق