Qalinjabisaye Maxaa Xiga?!

 

 

Qalinjabisaye Maxaa Xiga?!

 


Suuqa Shaqo la'aanta, oo markii horeba xaami ahaa, maanta waxa ku soo biiray kun iyo dheeraad kale. Kumannaan kalena bishan iyo  bilaha soo socda ayay ku soo biiri doonaan. Soo dhowaada, soo Dhowaada, Soo dhowaada. Ku soo dhowaada suuqa shaqo raadinta intiinna aan shaqayneey. Ku soo dhowaada, masuuliyado aan hore kuu saarnayn in ay maanta laga bilaabo ku fuulaan.Qoys iyo qaraabo mudda badan ku soo maalgashanayay, ayaa maanta raba in ay ku maalaan. Waxaad is odhanaysaa, dadkeennu jaamacadda waxay u haystaan meel marka la dhammeeyo si mucjiso ah shaqo loo helo, waana sababta ay ula yaabi karaan adiga oo jaamacad dhammeeyay in aad ku tidhaahdid bilaa camal ayaan ahay. Iska dulqaado

 

hawlahaa jaamacaddaa wadata e. Lol

 

Xaqiiqada waddanka taallaa, waa mid laga wada dheragsanyahay, oo qofna loo sheegi maayo. Waad aragtaan heerka ay shaqo la'aantu marayso. Waxa kale oo aad la socotaan in aan la tixgelin aqoonta iyo xirfadda aad baratay, balse mudnaanta la siiyo ina Hebel iyo CV-ga wareega —waa suldaannada iyo caaqillada e. Mid kale oo ka sii daran baa jirta, waana ardaydii sannadihii hore jaamacada dhammeeyay oo aan weli helin shaqo macno lahe, amaba aan shaqaynba. Waana xaqiiqo aan la iska indhotiri karine, taana maanka ha lagu hayo.

 

Sidaas oo ay tahay, waxa jira fursado kale oo muhiim ah, kuwaas oo haddii laga faa'iidaysto, lagu dabooli karo waajibaadka nolosha. Dhowrkan qodob ayaan talo

 

ahaan ila qurux badan in uu raaco ardayga soo qalinjabiyay ee bilaa camalka ahi.

 

1. Marnaba ha sugin in xukuumaddu shaqo iska kaa siiso, iyadoo la tixgelinayo aqoontaada iyo xirfaddaada, taa macneheedu maaha dhankaa ha eegin, balse isku hallayn buuxda ha siinnin si aanu wakhtigu kaaga lumin shaqo-sugid.

2. Muhiim ma aha, in aad ku shaqaysid wixii aad soo baratay oo keliya, balse shaqo kasta oo aad qaban karto qabo, mushaharkeedu haba yaraado e.

3. Farsamada gacanta baro, waana meelaha ugu fiican ee shaqo laga helo, sidoo kalena si madax bannaan aad ugu shaqaysan kartide.

4. Xilligan la joogo, ee ay Tiknoolajiyaddu aad u hano qaadday, waxa aad looga faa'iidaystay suuqa internetka oo si weyn looga faa'iidaysan karo, adiga oo wax ku

 

iibin kara barahaaga bulshada. Waana meel aan takaaliif badan kaaga baahnayn, si xor ahna aad ugu shaqaysan kartid. Waxana la odhan karaa suuqa internetku, waa suuq weli dihin oo aynaan weli waxba ka baran baaxadda uu leeyahay.  Si gaar ah ha loo ogaado .

 

5. Waxa muhiim ah in uu qofka iska ilaaliyo goobaha fadhi-ku-dirirka ah, taasi aan wax dheef ah u soo kordhinayn arday soo qalinjabiyay.

6. Waxa dhici karta in aadan bilawga horeba shaqo helin, balse sida aad halgan u gashid ayaa ka jawaabi doona halka aad u socotid.

 

7. Fursadda shaqo heliddu ma badna. Gaar ahaan dumarku ma helaan fursadda ay raggu helaan, taa baddalkeeda, habluhu waxay heli karaa fursado badan oo ka

 

bannaan kaalinta shaqo ee dumarka   u gaarka ah, hadday halabuur ganacsi noqoto iyo hadday adeeg la bixiyo noqotaba.

 

8. Ganacsigu waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee qofku isagoo xorriyad dareemaya uu shaqaysan karo. Waxa dhici karta, arday maanta soo qalinjabiyay in aanu haysan hanti badan oo uu ku bilaabo ganacsi. Waxaan aaminsanahay haddii ay qofka ka go'antahay in uu ganacsi yar bilaabo, in uu ku bilaabi karo lacag aan badnayn sida $50, $100 ama $200, amaahba aad ku heshide, waxa hubaal ah in ay noqon doonto wax aad ku liibaantid.

 

9. Halabuur shaqo aan hore u jirin waa waxyabaha ugu muhiimsan ee halabuuraha iyo bulshaduba ka faa'idi karaan. Rag iyo dumarba, ha la isku dayo

 

in lala yimaaddo halabuur shaqo, kaasi aan waddanka ama magaalada hore uga jirin.

 

10. Fursadaha shaqo ee bannaan, balse aan lagu baraarugsanayn aad iyo aad ayay u badanyihiin. Qofku isaga oo aan halabuur cusub la iman, waxa uu samayn karaa shaqooyin iyo ganacsiyo hore u jiray balse qaab qadiimi ah dadka loogu adeego, ayuu casriyayn karaa, oo uu la jaanqaadsiin karaa Tiknoolajiyadda, isaga oo soo kordhinaya hab cusub oo ka fudud sidii hore loogu qaban jirey.

 

11. Haddii aad jaamacadda dhammaysay, kama dhigna in aad tahay khabiir aan lagaga daba dhufan. Waxa  se waajib kugu ah in aad aqoontaada iyo xirfaddaada kobciso, si aad waajibaadka nolosha u gudatid.

 

 

Garashana ogsoonoow, inay xaajo badan goyso.

—Hadraawi AHN.

W\Q: Cabdicasis imaan

Post a Comment

أحدث أقدم