KALLUUNKA
W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.
Kalluunku waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda lafdhabarleyda ah (Chordata), gaar ahaan xayawaannada ay noloshoodu ku xidhan tahay biyaha ama aan berriga ku noolaan karin (Aquatic animals). Afka cilmiga saynisku waxaa loogu yeedhaan (Chondrichthyes). Asal ahaan waxa uu kasoo jeeddaa qaaradda Aasiya gaar ahaan dhulweynaha shiinaha. Barashada cilmiga kalluunka waxaa loo yiqaanaa (Ichthyology). Luuqaada ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Fish) Carabidana (سَمَك), Afka Soomaaligana Kalluun iyo Malaay. Adduunka waxaa laga helaa ku dhawaad 33,000 oo nooc oo kalluun ah. kuwaas oo ku kala duwan dhanka dhererka iyo culayska. Guud ahaan kalluunka waxaa loo qaybiyaa laba nooc: Libaax badeed iyo kalluun caadi ah.
Kalluunku waxa uu ku noolaadaa noocyada kala duwan ee biyaha, kuwa macaan iyo kuwa millixda leh labadaba, waxaana laga helaa kalluunka Badaha, Harooyinka, webiyada, Balliyada, Barkadaha iyo ilaha durdurka ah. Cimrigiisu waxa uu gaadhaa 2 ilaa 7sanno, inkastoo ay jiraan qaar uu ka badan yahay. waxa uu quutaa waxyaabaha ka soo jeedda dhirta iyo xayawaanka (Omnivore), waxaana uu dhalaa ugxan uu ku sii dhexdaayo biyaha, kalluunku saacadii waxa uu jari karaa 47 ilaa 68 mayl. kalluunku malaha sambabo balse wuxuu ka neefsadaa waafiyayaasha isagoo biyaha kala dhex baxa ogsajiinta, kalluunku waxa uu ku dabaashaa garbaha (fins) ama baalasha kaga yaala labada dheeg iyo dabada.
kalluun waxaa uu kamid yahay xayawaannada leh dhiigga qabow (Cold blooded) kuwaas oo wax quuta maalintii (Diurnal). Kallluunku waxa uu leeyahay faa'iidooyin fara badan oo ay kamid yihiin Hilib, Subag iyo maraq qani ku ah macdano badan oo uu jidhku u baahan yahay, waana il dhaqaalle oo laga sameeyo dakhli badan waxaana adduunka ku tiirsan ku dhawaad 3 bilyan oo qof, kuwaas oo isugu jira shaqsiyaad iyo shirkado waa weyn, sidoo kale wadamadda afrika qaarkood waxay maqaarka sarre ee kalluunka ka sameeyaan agabyo manaafacaad u leh dadka sida kabo, dhar iyo suuman. Waxaa jira khuraafaad muddo dheer adduun laga aaminsanaa ilaa iminkana dadyow badan oo dunida kunooli aaminsan yihiin in badda laga helo nooc kalluunka kamid oo looyiqaanno Gabarmaayo (Mermaid), taas oo ah gabadh inta horana ka bili aadam ah, inta danbana ka kalluun ah.
Kalluunka waa la beeri karaa iyadoo biyaha kolba lagu dhex tarminaayo loogu dhex daraayo cunooyinka iyo waxyaabaha uu ubaahan yahay.
Waxaa jira buug Afsoomaali ku qoran oo ay dawladdi dhexe ee Soomaaliya soo saartay, Wasaaradii Kalluumaysiga iyo khayraadka badda, gaar ahaan waaxdii cilmi baadhista, kaas oo uu qoray nin lagu magacaabi jiray: Samaroon Cumar Geedi, ciwaan kiisuna ahaa Magacda iyo muuqaalka kalluunka, waxaana ku duuggan magacyada qaar kamid ah kalluunka laga helo badda soomaalida waxaana kamid ah: Fuluus, Subcaan, Taada, Gaxaash, Cagoole, Boono, Sakhlad, Siiqo, Takaa, Ganaad. Sidoo kale qalabka jillaabashada kalluunka loo isticmaalo magacyadooda waxaa looyiqaanaa: Shabaag, Liikh, Jiriif, Idaad, Milgo iyo Damrad. Ugu danbayntii Maahmaahyada iyo Murtida soomaalida waxa jira qaar u gaar ah kalluunka kuwaas oo lagu amaano ama la isugu hogo tusaaleeyo.
Mayeedhaan Magazine.

Post a Comment