Qeybta 4aad. Maxaa Hortaagan Lacagta Cusub ee Shillin Soomaaliga (Sh.So/SOS)

 

 

Qeybta 4aad.

Maxaa Hortaagan Lacagta Cusub ee Shillin Soomaaliga (Sh.So/SOS)

  



Waxaa wali shaqaynaya oo ganacsiga ka dhex Muuqda, Lacag ta Shillin Soomaaliga ah, qiyaastii Lacag ka badan Half- Billion (80% way baaba'aday, 15% wa Jeexjeexan tahay. Halka 5% ay Cusub tahay). Haddaba, baahida taagan ee u baahan in Xal loohelo, waa MASUULIYAD WADAREED.

1) Shacabka Soomaaliyeed waxay  Si qaylo dhaan ah u sheegeen in baahi Isticmaalka Lacagta Shillin Soomaaliga ah Inay Jirto.

2) Ganacsatadii iyagana way sheegeen Inay u baahan yihiin lacag SARIF Shillin Soomaali( Tusaale shay ayaa dukaan ka Iibsaday baaqigii iisoo noqon lahaa haday Lacagtii Jeexan tahay, waa inaa badeeco  kale aan Ku qaataa sida xanjo ama

 

Nacnac ama aan uga tagaa).

3) JAAMACADDAHA Dalkeena waa waajib Iney Ka sameeyaan CILMI-BAARIS iyo HAL KU DHEGYO CILMIYAYSAN.

4) Bangiga Dhexe e Soomaaliya waa in u sameeyaa Shirar u la yeelanayo Rugaha GANACSATADA SOOMAALIYEED ee MAAMUK GOBOLADDA, Si uu u ogaado una Diiwaan geliyo CADDADKA SHILLIN SOOMAALIGA AH.

5) DOWLADDA SOOMAALIYA si ay u dhaqan geliso Shillin Soomaaliga CUSUB waxaa looga baahan yahay HISHIIS AY KU CADYIHIIN qodobadan:-

b) Dhamaan MAAMUL  GOBOLEEDYADA

t) MAAMUL GOBOLEED kasta imisa Shillin Soomaaligii hore ayaa laga so xaraynayaa & RATE ka lagu so xaraynay.

j) Dowladda Soomaaliya waa Inay la wareegto MAKIINADAHA LACAGTA lagu sameeyo ee yaala wadanka gudihiisa

 

iyadoo LACAG loogu qiimeynayo.

x) DOWLADDA SOOMAALIYA waa Iney Laan ka tirsan BANGIGA DHEXE Ee SOOMAALIYA ka furtaa Dhamaan MAAMUL GOBOLEEDYADDA.

 

Qodobo intaas ka badan iyo aragti tan ka duwana way jiri kartaa .......

mohamud Abdikadir

Post a Comment

Previous Post Next Post