𝐏𝐬𝐲𝐜𝐡𝐨𝐥𝐨𝐠𝐲 𝟏𝟎𝟏
𝐓𝐡𝐞 𝐛𝐞𝐡𝐚𝐯𝐢𝐨𝐮𝐫𝐢𝐬𝐭 𝐚𝐩𝐩𝐫𝐨𝐚𝐜𝐡 𝟎𝟏
----------------------------------
𝘽𝙖𝙧𝙖𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖 𝙙𝙖𝙗𝙚𝙚𝙘𝙖𝙙𝙖 𝙉𝙤𝙤𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙞𝙮𝙖𝙙𝙤𝙤 𝙡𝙖 𝙙𝙚𝙧𝙨𝙖𝙮𝙤 𝙝𝙖𝙗-𝙙𝙝𝙖𝙦𝙖𝙣𝙠𝙞𝙞𝙨𝙖
=========
Behaviourist approach waa aragi ku saabsan habka dadka iyo xayawaankuba wax u bartaan. waxa keli ah ee ay daneysaa waa daraasadaynta hab-dhaqannada la arki karo lana qiyaasi karo (observable and measurable behaviour). Iskuma lurto baadhitaanka shaqooyinka iyo howlaha maskaxda qofka ka dhex socda iyo suuro galnimada saamayn maskaxdu ku yeelan karto hab-dhaqanka noolaha. Dariiqada behaviourism ku waxay soo ifbaxday bilowgii qarniga labaatanaan waana dariiqada aqoonta saykoolajiga ka dhigtay aqoon saynis ah oo waafaqsan shuruudaha lagu qiimeeyo saynisnimda aqoon kasta: mowduucinimo (objectivity) iyo in markasta tijaabada lagu celiyo ay soo saari karto natiijo isku mid ah (replication).
Behaiourims waxa cududdeedu ka bilaabantay maraykan, aqoonta saykoolajigana waxay hogaaminaysay mudo nus qarni ah oon lagula tartarin. Inkastoo tijaabadii ugu horeysay ee Behaviourist approach ku saabsan uu sameeyay saynisyahan ruush ah 𝑰𝒗𝒂𝒏 𝑷𝒂𝒗𝒍𝒐𝒗 (1849–1936), hadana laba psychologist oo maraykan ah ayaa seeska u dhigay faracan saykolojiga ah oo kala ahaa 𝑱𝒐𝒉𝒏 𝑩. 𝑾𝒂𝒕𝒔𝒐𝒏 (1878–1958) 𝒊𝒚𝒐 𝑩. 𝑭. 𝑺𝒌𝒊𝒏𝒏𝒆𝒓 (1904–1990).
Mr. Watson waxa uu dedafeeyay habkii 𝑰𝒏𝒕𝒓𝒐𝒔𝒑𝒆𝒄𝒕𝒊𝒐𝒏 ku u shaqayn jiray. Waxa uu yidhi Introspection waxa uu dhalaa afkaar iyo humaagyo tiro badan oo aan la qiyaasi karin, si isku mid ahna loowada fahmi karin; qof waliba si gaar ah ayuu mowjadaha maskaxdiisa ka socda u soo gudbiyaa taasina waxay keentay in halbeeg isku mid ah aan lawada saari karin, xeerar lagu wada dabbaqona aan laga soo dhirin-dhirrin karin. Taasi bedelkeeda 𝑱𝒐𝒉𝒏 𝑩. 𝑾𝒂𝒕𝒔𝒐𝒏 waxa uu ku dooday in tajribaynta/tijaabada la isticmaalo, hab-dhaqanka noolaha la xakameeyo si loo qiyaasi karo falcelintooda, la isuna dhinac dhigi karo. Aqoonyahanka “Behaviourist approach” dhisay waxay aqoonsadeen laba dariiq oo muhiim ah oo wax loo barto: 𝐂𝐥𝐚𝐬𝐬𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐜𝐨𝐧𝐝𝐢𝐭𝐢𝐨𝐧𝐢𝐧𝐠 iyo 𝐎𝐩𝐞𝐫𝐚𝐧𝐭 𝐜𝐨𝐧𝐝𝐢𝐭𝐢𝐨𝐧𝐢𝐧𝐠.
𝐂𝐥𝐚𝐬𝐬𝐢𝐜𝐚𝐥 𝐜𝐨𝐧𝐝𝐢𝐭𝐢𝐨𝐧𝐢𝐧𝐠: waxa hindisay Ivan Pavlov oo ahaa saynisyahan ruush ah oo dersay aqoonta physiology-ga. Tijaabadiisu waxay ka koobnayd ey, dawan, cunto iyo dhareerin. Eyga waa la yara gaajaysiiyay, kadib waxa loo tumaa dawan, inyar kadibna waxa loo soo dhigaa cunto. Bilowgii, eygu dan kama galin dawanka ee marka cuntada loosoo dhigo ayuu dhareeriyaa. Laakiin markii mudo ay tijaabadii socotay ayuu isku xidhay dananka dawanka iyo cuntada. Kadib isla marka dawanka la garaaco ayuu dhareeriyaa iyadoo aanay cuntadii wali soo gaadhin. Bal u fiirso, halkii cuntada iyo dhareerku isku xidhnaayeen, oo ah wax la filan karo, waxa isku xidhmay dawankii iyo dhareerkii eyga, waa falcelin aan la filayn. Marka tijaabada la sii furfuro, qaybta hore ee isku xidhnaanta cuntada iyo dhareerinta waxa la yidhaa “𝒖𝒏𝒄𝒐𝒏𝒅𝒊𝒕𝒊𝒐𝒏𝒆𝒅 𝒓𝒆𝒔𝒑𝒐𝒏𝒔𝒆,” Qaybta danbe ee ka dhalatay ku celcelinta tijaabada ee isku xidhay dananka dawanka iyo dhareerinta eyga waxa loo bixiyay “𝒄𝒐𝒏𝒅𝒊𝒕𝒊𝒐𝒏𝒆𝒅 𝒓𝒆𝒔𝒑𝒐𝒏𝒔𝒆.”
Pavlov waxa uu xaqiijiyay in eyga la qabatin siin karo (conditioned) in uu ku dhareeriyo dananka dawanka hadii marar badan la isu raaciyo cuntada iyo garaaca dawanka. Waanuu ku guulaystay. Classical conditioning waxay tilmaamaysaa in wax lagu baran karo isla xidhiidhinta fariimaha“𝒍𝒆𝒂𝒓𝒏𝒊𝒏𝒈 𝒃𝒚 𝒂𝒔𝒔𝒐𝒄𝒊𝒂𝒕𝒊𝒐𝒏.” Waxaad arkaysaa in sidii marwalba la isugu lammaanaynayay dananka dawanka iyo cuntada, in markii danbe danankii dawanku qaatay shaqadii cuntada ee ka dhareerinta eyga. 𝘛𝘢𝘫𝘳𝘪𝘣𝘢𝘥𝘢𝘯 𝘔𝘳. 𝘞𝘢𝘵𝘴𝘰𝘯 𝘸𝘢𝘹𝘢 𝘶𝘶 𝘶 𝘥𝘢𝘭𝘪𝘪𝘴𝘩𝘢𝘥𝘢𝘺 𝘢𝘳𝘢𝘨𝘵𝘪𝘥𝘪𝘪𝘴𝘢 𝘢𝘩 𝘪𝘯 𝘲𝘰𝘧𝘬𝘢𝘴𝘵𝘢, 𝘣𝘶𝘭𝘴𝘩𝘢𝘥𝘢 𝘶𝘶 𝘥𝘰𝘰𝘯𝘰 𝘩𝘢𝘬𝘢 𝘺𝘪𝘮𝘢𝘢𝘥𝘦𝘦, 𝘭𝘢𝘨𝘶 𝘵𝘢𝘣𝘢𝘣𝘢𝘳𝘪 𝘬𝘢𝘳𝘰 𝘭𝘰𝘰𝘯𝘢 𝘲𝘢𝘢𝘣𝘢𝘺𝘯 𝘬𝘢𝘳𝘰 𝘴𝘪𝘥𝘪𝘪 𝘭𝘢𝘭𝘢 𝘳𝘢𝘣𝘰.
𝐎𝐩𝐞𝐫𝐚𝐧𝐭 𝐜𝐨𝐧𝐝𝐢𝐭𝐢𝐨𝐧𝐢𝐧𝐠: B. F skinner waxa uu aaminsanaa in “𝘸𝘢𝘹 𝘣𝘢𝘳𝘢𝘴𝘩𝘢𝘥𝘶 𝘨𝘦𝘦𝘥𝘪 𝘴𝘰𝘤𝘰𝘥 𝘧𝘪𝘳𝘧𝘪𝘳𝘤𝘰𝘰𝘯 𝘢𝘺 𝘵𝘢𝘩𝘢𝘺 𝘰𝘰 𝘲𝘰𝘧𝘬𝘢 𝘪𝘺𝘰 𝘹𝘢𝘺𝘢𝘸𝘢𝘢𝘯𝘬𝘶𝘣𝘢 𝘢𝘺 𝘭𝘢 𝘧𝘢𝘭 𝘨𝘢𝘭𝘢𝘢𝘯, 𝘸𝘢𝘹𝘯𝘢 𝘬𝘶 𝘣𝘢𝘳𝘵𝘢𝘢𝘯 𝘥𝘦𝘦𝘨𝘢𝘢𝘯𝘬𝘰𝘰𝘥𝘢. 𝘚𝘪𝘥𝘢𝘢 𝘥𝘢𝘳𝘵𝘦𝘦𝘥𝘯𝘢 𝘩𝘢𝘣-𝘥𝘩𝘢𝘲𝘢𝘯𝘬𝘢/𝘥𝘢𝘣𝘦𝘦𝘤𝘢𝘥𝘢 𝘯𝘰𝘰𝘭𝘢𝘩𝘢 𝘸𝘢𝘹𝘢 𝘲𝘢𝘢𝘣𝘦𝘦𝘺𝘢 𝘪𝘴𝘭𝘢 𝘮𝘢𝘳𝘬𝘢𝘢𝘯𝘢 𝘫𝘰𝘰𝘨𝘵𝘦𝘦𝘺𝘢 𝘯𝘢𝘵𝘪𝘪𝘫𝘢𝘥𝘢 𝘬𝘢 𝘥𝘩𝘢𝘭𝘢𝘯 𝘬𝘢𝘳𝘵𝘢 𝘥𝘩𝘢𝘲𝘢𝘯𝘬𝘪𝘪𝘴𝘢.”
Tijaabadiisa ku saabsan waxbarashada waxa uu u bixiyay 𝒐𝒑𝒆𝒓𝒂𝒏𝒕 𝒄𝒐𝒏𝒅𝒊𝒕𝒊𝒐𝒏𝒊𝒏𝒈. 𝑶𝒑𝒆𝒓𝒂𝒏𝒕 𝒄𝒐𝒏𝒅𝒊𝒕𝒊𝒐𝒏𝒊𝒏𝒈 waxay ku shaqaysaa fikrad aad u fudud: ficilka soo jiita natiijo qofku jeclaysto (cawaaqib togan) ayay suuro gal tahay in qofka ama xayawaanku ku celceliyo. Marka cawaaqibta hab-dhaqanka la eegayo tijaabadan operant conditioning waxay leedhay saddex falcelinood midkood:
𝑷𝒐𝒔𝒊𝒕𝒊𝒗𝒆 𝒓𝒆𝒊𝒏𝒇𝒐𝒓𝒄𝒆𝒎𝒆𝒏𝒕- waa natiijo ficilkiisa qofku sameeyay sii dhiiri gelinaysa. tusaale arday su’aal macalinku waydiiyay sifiican uga jawaabay kadibna si fiican loo ammaanay. Amaantu waa “positive reinforcement” waxaanay ardayga ku dhiiri gelinaysaa in uu su’aalaha danbena si fiican uga jawaabo.
𝑵𝒆𝒈𝒂𝒕𝒊𝒗𝒆 𝒓𝒆𝒊𝒏𝒇𝒐𝒓𝒄𝒆𝒎𝒆𝒏𝒕- waa natiijo qofka ama xayawaanka ku dhiiri gelisa in uu iska ilaaliyo ku celinta fal aanu cawaaqibkiisa rabin. Tusaale, arday ayaa layliskii loo diray wakhtigeedii ku keenay isagoo ka baqaya in fasalka lagu dhex fashiliyo ama shaqo dheeraad ah loo diro. Cawaaqib xun oo uu ka baqayo ayaa ku dhiiri gelisay in uu howshiisii ka soo baxo taasina waa “negative reinforcement.”
𝑷𝒖𝒏𝒊𝒔𝒉𝒎𝒆𝒏𝒕- waa cawaaqib aan la jeclaysan oo qofka ama xayawaanka ku dhiiri geliya in aanu ficil loo diidan yahay samayn. Punishment waxay leedahay laba nooc 𝒑𝒐𝒔𝒊𝒕𝒊𝒗𝒆 𝒑𝒖𝒏𝒊𝒔𝒉𝒎𝒆𝒏𝒕 𝒊𝒚𝒐 𝒏𝒆𝒈𝒂𝒕𝒊𝒗𝒆 𝒑𝒖𝒏𝒊𝒔𝒉𝒎𝒆𝒏𝒕.
a. 𝑷𝒐𝒔𝒊𝒕𝒊𝒗𝒆 𝒑𝒖𝒏𝒊𝒔𝒉𝒎𝒆𝒏𝒕: laba wiil oo aad dhashay ayaad kala kari wayday oo markasta way is dilayaan ama is afxumaynayaan. Waxaad tidhi markasta oo aad is dishaan ama is afxumaysaan waxaan kordhinayaa howsha aad guriga ka qabataan. Kadibna is ay isaga ilaaliyaan howshaa loo dirayo waxay joojiyeen is dilkii iyo is afxumayntii.
b. 𝑵𝒆𝒈𝒂𝒕𝒊𝒗𝒆 𝒑𝒖𝒏𝒊𝒔𝒉𝒎𝒆𝒏𝒕: labadii wiil waxa umaad diran laakiin waxaad tidhi markasta oo aad is dishaan waxaan idinka qaadayaa ama idinka mamnuuci wax aad jeceshihiin, sida video gameka, ciyaaraha kale, ama waxyaalaha aan daruuriga ahayn ee lagu marxabaysiiyo caruurta, taasina waa 'negative punishment."
Dabcan saddexdaa arimood midkastaa waxay leedahay qaybo iyo tafaasiil aad u badan, guud ahaanse waxay sees cilmiyeed u noqotay dariiqada behaviorist approach.
"𝘉𝘦𝘩𝘢𝘷𝘪𝘰𝘶𝘳𝘪𝘴𝘮 𝘬𝘢 𝘰𝘰 𝘢𝘺 𝘩𝘰𝘳𝘮𝘶𝘶𝘥 𝘶 ahaayeen 𝘑𝘰𝘩𝘯 𝘉. 𝘞𝘢𝘵𝘴𝘰𝘯 𝘪𝘺𝘰 𝘉 𝘍 𝘴𝘬𝘪𝘯𝘯𝘦𝘳 𝘸𝘢𝘹𝘢𝘺 𝘢𝘸𝘰𝘰𝘥 𝘶 𝘺𝘦𝘦𝘴𝘩𝘦𝘦𝘯 𝘪𝘯 ay 𝘦𝘳𝘦𝘺𝘣𝘪𝘹𝘪𝘯𝘵𝘪𝘪 𝘪𝘺𝘰 𝘩𝘢𝘣𝘬𝘪𝘪 𝘤𝘪𝘭𝘮𝘪-𝘣𝘢𝘢𝘥𝘩𝘪𝘴𝘵𝘢 𝘦𝘦 𝘴𝘢𝘺𝘯𝘪𝘴𝘬𝘢 𝘥𝘢𝘣𝘪𝘪𝘤𝘪𝘨𝘢 (natural sciences) 𝘢𝘩𝘪 𝘢𝘥𝘦𝘦𝘨𝘴𝘢𝘯 𝘫𝘪𝘳𝘢𝘺 𝘢𝘺 𝘬𝘶 𝘥𝘢𝘣𝘢𝘲𝘢𝘢𝘯 𝘴𝘢𝘺𝘬𝘰𝘰𝘭𝘢𝘫𝘪𝘨𝘢. 𝘒𝘢𝘥𝘪𝘣𝘯𝘢 𝘶𝘶 𝘯𝘰𝘲𝘥𝘰 𝘢𝘲𝘰𝘰𝘯 𝘵𝘪𝘫𝘢𝘢𝘣𝘪𝘯, 𝘣𝘢𝘢𝘥𝘩𝘪𝘥, 𝘪𝘺𝘰 𝘲𝘪𝘺𝘢𝘢𝘴 𝘲𝘢𝘢𝘥𝘪𝘥 𝘴𝘶𝘨𝘢𝘯 𝘬𝘶 𝘴𝘩𝘢𝘲𝘢𝘺𝘴𝘢."
Marka aynu eegno sida fikradahaa aynu tilmaanay loogu adeegsaday nolosha caadiga ah waxaynu arki in “operant conditioning” si baaxad leh loogu isticmaalay jeelasha iyo cusbitaalada dhimirka. Waxa loo yaqaan “token economy system” ee lagu abaabul kasaaro maxaabiista jeelashu waxa uu ku fadhiyaa “operant conditioning.” Sidoo kale “classical conditioning” iyana waxa loo adeegsaday dawaynta noocyo badan oo xanuunka foobiyada (phobia) ah.
Ugu danbayn, waxa jira dhaliil loo jeediyo Behaviourism approach ka. Waxa lagu dhaliilayl in ay noolaha (dadka iyo xayawaanka) kasoo qaadeen mishiin aan dareen iyo rabitaan “free will” lahayn oo u hogaansan uun duruufaha deegaankiisa. Waxay iska indho tireen in nooluhu leeyahay aragti (insight), iyo garaad saamayn ku leh hab-dhaqankiisa.
Lasoco qaybta danbe siina wadaag.
Dr.Abdikarem Hassan

إرسال تعليق