Bilowga sheekada

Waxaan ahaa qof bilaa hadaf ah, nolol maalmeedkaygu waxa uu ka koobnaa in aan wax cuno,seexdo,tooso, wakhtiga aan wax dhiganayo in aan dhigto waqtiyadayda kallana asxaabtayda aan
iskalla qaato, mar aan telephone kala hadlo iyo mar aan si toosa uwada joognoba, ma moodayn haddana in ay wax iga dhiman yihiin.
Waxaan ahaa ,qof aan fikirin marmarka qaar waxaa igu soo dhici jirty oo kali ah aanan ka fikiri jiray lacag ayaad u baahantahay oo kali ah, waxaan arki jirray dad aanu asxaab ahaan jirnay oo aniga iyo asxaabtaydu kula yaabi jirnay markay nagu yiraahdaan, waxaas Ayaan rabnaa in aan qabano iyo haddafkaas ayaan leenahay, waxaanu u arki jirnay in ay yihiin qaar yara fudud amaba se iswaalaya.
Wakhtigayga inta ugu baddan waxa aan kulumin jirray in aan social media ha iskaga jiro aniga oo wax u jeedo ah oo macno leh taas oo aan usoo galay aanay jirin, waxa aan raadsan jiray wakhtigayga meel aan ku lumiyo waxa aan aaminsanaa in aan waxbarasho fiicani dalka jirin sidaa awgeed wax loo dadaalaba aanay jirin.
Waxa aan rumaysnaa wax shaqo ladhaho in aan la helayn waayo dadkii iga horreeyayba waa kuwaas aan waxba haynin, waxaan ahaa qof aan isku kalsoonayn nolashana aan aad ugu fiirsanin wax walba oo agagaarkayga ka dhacayna caadi u yihiin waxa igu wareegsanaa xayndaab malo awaal ah oo aan samaystay anigu, waxa aan ku noolaa nolol ismoodsiis ah oo aan jillayay anigu!.
Waxay sidaas ahaataba wakhtiga iyo waayaha ayaa isbaddalay
waxaa isoo waajahay carqalado badan, dhibaatooyin fara badan kuwaasi oo dhinacyo badan nolashayda ka gil-gilayay, waa aan ka murgooday waxa aanan waayay cid I garab istaagta, waxa kale oo aan waayay cid I dhiiri galisa, waxa aanan noqday qof niyad jabsan had iyo jeerna murugaysan naftaydana ololka ka dhex dhacaya aan cidina ila ogayn, wax aan noqday qof dhibaatooyinkiisa dadka asxaabtiisa ah usoo bandhiga, balse waa la igu dhibsaday taasi, wakhti kasta iyo goor kasta niyaddaydu may ahayn mid dagan ,nolashii aan modayay in ay ila jirto ayaa cadow si lama filaan ah iigu noqotay, waxay nolashu I bartay in aan markii iigu horaysay iswaydiiyo su’aalaha ay kamid yihiin dhibaatoyinkan ihaysata maxay tahay?, halkee ayaa aan taganahay?, halkee ayaan usocdaa?, nolashaayda maxaa ka khaldan?, su’aalahan waxa ay ii fureen albaabo iga xidhnaa, waxa ay itusiyeen nolashyda dhabt ah waxa ay tahay, waxayna i dareensiiyeen nolasha qiyaaliga ah ee aan anigu samaystay ee waxba kama jiraanka ah.
Labaddayda dhinaca ayan eegay, waxaan arkay in aanay cidi
joogin waxaan eegay dhankayga danbe waxaan arkay dadkii aan asxaabta ahayn oo nolashii uun ku nool walina aan waxba dareensanayn, waxaan eegay xagayga hore, waxaan arkay dadkii aanu la yaabi jirnay aniga iyo asxaabtaydu oo nolasha tan guul - ka gaadhay hadafkoodiii ay ka seexan la’aayeen soo taabtay, waxaan markhaati ka noqday guulihii ay gaadheen waxaan goob joog u ahaa hambalyadoodii waxa dhagahayga toos ugu soo dhacayay dhawaqa xoogan ee u sacabintooda.
Si dagdaga ah ayuu iigu soo noqday miyirkaygii sidii qof waalan oo kale, waxaan noqday sidii qof hurdo hadda kasootoosay, waxaa ii cadaaday wax fara badan waxaanan damcay in aan isbadal sameeyo, hadafka nolashayduna ii cadaado, in aan hiigsado dadka nolasha ku guulaystay loolankeedii, waxa aan raadiyay qof intaa ay indhahaygu I tuseen in kabaddanba ii bayaamiya, kabacdi asxaabtaydii aan isku dhawayn waxa aan ku kala hadhnay fikirkayga iyo go’aanka aan qaatay, iimmay suurto galin in aan fuliyo wax faro badan caajisnimadayda awgii, isku dayo faro badan waan ku guul daraystay balse maan niyad jabijn.
Aniga oo ku gudda jira ka rumaynta isbadalka nolashayda waxa ay meertada nolashu igu riday tubtii ay marayeen dadkii aniga iyo asxaabtayduba kula yaabi jirnay markii ay ku gudda jireen geedigii ka rumaynta ahdaaftooda, waxaan noqday mid qaar fara baddani isku dayaan in ay niyad jabiyaan balse markan sahaydaydii oo dhan waan haystaa oo umana dhag dhigin,waayo imika ayaan dareemay dhibta iyo xanuunka ay leedahay inaad qof ku tiraahdo ereyo niyad jabiya, wakhti wakhtiyada kamida ayaa si lama filaan ah la kulmay sheeko aad iyo aad nolashayd wax uga baddashay qof kii hore ka gaddisan iga dhigtay, waxay ahayd sheeko xambaarsan macne ballaadhan oo lagu soo ururiyey ereyo kooban, kadib markii aan furay sheekada Samir ayaan ala imid wanan dhugtay waxaynanoqotay sheekadii kali ahayd ee saamayn xoogan igaga tagta iyadoo taabatay qaybo babdan oo nolashayda ka mid ah.
Kadib waxaan iswaydiiyay kumaan ahay anigu? “haddaba
akhristow anigu waxaan ahay adiga, sheekadaasina waa sheekadan.
maxaa hadaba kula gudboonaqristow ?
Noqo mid aqriyay ka dib go’aan qaatay dabadeed
isbeddeley inshaa Allaah
waxaan kuugu soo koobayaa aqristow waqtigagi ayay gaadhay
ee nolosha malkadaadii aad ku lahayd ka buuxi .
✍
Dr-Ayuub Mohamadii
إرسال تعليق