𝐏𝐬𝐲𝐜𝐡𝐨𝐥𝐨𝐠𝐲 𝟏𝟎1
-------------------
𝐂𝐨𝐠𝐧𝐢𝐭𝐢𝐯𝐞 𝐚𝐩𝐩𝐫𝐨𝐚𝐜𝐡 𝐨𝐟 𝐥𝐞𝐚𝐫𝐧𝐢𝐧𝐠 - 𝟎𝟏
𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐬𝐤𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐚𝐛-𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐪𝐨𝐟𝐤𝐚:
===========================
𝑻𝒉𝒆 𝒄𝒐𝒈𝒏𝒊𝒕𝒊𝒗𝒆 𝒂𝒑𝒑𝒓𝒐𝒂𝒄𝒉 waxa uu soo ifbaxay lixdameeyadii qarnigii labaatanaad isagoo ka jawaabaya guul darradii 𝑩𝒆𝒉𝒂𝒗𝒊𝒐𝒖𝒓𝒊𝒔𝒕 𝒂𝒑𝒑𝒓𝒐𝒂𝒄𝒉 uu ku guul darraystay inuu ku xisaabtamo saamaynta shaqooyinka maskaxdu ku leeyihiin dabeecada iyo hab-dhaqanka qofka. Ereyga “𝒄𝒐𝒈𝒏𝒊𝒕𝒊𝒗𝒆 (𝒂𝒅𝒋)" 𝒂𝒎𝒂 "𝒄𝒐𝒈𝒏𝒊𝒕𝒊𝒐𝒏 (𝒏)” waxa uu la macno yahay garasho, barasho iyo fahan; waa shaqooyinka maskaxda ka dhex socda si ay aqoon iyo garasho u kordhisato iyadoo adeegsanaysa fikirka, xogta dareemeyaashu usoo gudbiyaan, iyo khibrada maskaxdu ka kasbato fal hore u soo maray.
The cognitive approach waxa uu kaga soo horjeedaa mowdiicii aynu hore usoo gorfaynay waxa uu xooga saaraa doorka shaqooyinka maskaxdu ku leeyihiin qaabaysanka dhaqanka qofka.
Waxase uu kala siman yahay behaviourst approach waxa uu ku adkaysanayaa in :
"𝘴𝘩𝘢𝘲𝘰𝘰𝘺𝘪𝘯𝘬𝘢 𝘮𝘢𝘴𝘬𝘢𝘹𝘥𝘢 𝘦𝘦 𝘪𝘯𝘢𝘨𝘢 𝘲𝘢𝘳𝘴𝘰𝘰𝘯 𝘭𝘢 𝘥𝘢𝘳𝘢𝘢𝘴𝘢𝘥𝘢𝘺𝘯 𝘬𝘢𝘳𝘰, 𝘵𝘢𝘫𝘳𝘪𝘣𝘰𝘰𝘺𝘪𝘯 𝘤𝘢𝘮𝘢𝘭𝘪 𝘢𝘩𝘯𝘢 𝘭𝘢𝘨𝘶 𝘴𝘢𝘮𝘢𝘺𝘯 𝘬𝘢𝘳𝘰 𝘪𝘺𝘢𝘥𝘰𝘰 𝘭𝘰𝘰 𝘮𝘢𝘳𝘢𝘺𝘰 𝘥𝘢𝘳𝘢𝘢𝘴𝘢𝘥𝘢𝘺𝘯𝘵𝘢 𝘩𝘢𝘣-𝘥𝘩𝘢𝘲𝘢𝘯𝘬𝘢 𝘲𝘰𝘧𝘬𝘢".
Sidaa darteed, cognitive approach waxa uu doortay in uu darso dhinacyada shakhsiyada qofka ee aqoonyahanka behaviourist ku aanay darsin, iskana indho tireen. 𝘾𝙤𝙜𝙣𝙞𝙩𝙞𝙫𝙚 𝙖𝙥𝙥𝙧𝙤𝙖𝙘𝙝 waxa uu darsaa/tajribeeyaa xusuusta (𝘔𝘦𝘮𝘰𝘳𝘺/ ذاكرة), fikirka (𝘵𝘩𝘪𝘯𝘬𝘪𝘯𝘨/ التفكير), humaag-abuuridda (𝘱𝘦𝘳𝘤𝘦𝘱𝘵𝘪𝘰𝘯 / تصورات). Arimahani waa kuwo inaga qarsoon oo qofka u gaar ah; lama qiyaasi karo, lamana sahamin karo, sidaa darteed, cognitive approach, waxay u darsaan si dadban. Marka hore waxay darsaan hab-dhaqanka iyo dabeecada guud ee qofka, kadib natiijada ayay kasoo dheegtaan tilmaamo (𝘪𝘯𝘧𝘦𝘳𝘦𝘯𝘤𝘦𝘴/ استدلالات ) u iftiimin kara howl-gallada maskaxda qofka ka dhex socda. Waxay isku howlaan in ay xaqiijiyaan in maskaxda qofku saamayn xoog badan ku leedahay hab-dhaqankiisa, iyo in sida qofku u dhaqmayaa ay hummaag-celis (𝘳𝘦𝘧𝘭𝘦𝘤𝘵𝘪𝘰𝘯/انعكاس) u tahay shaqooyinka maskaxdiisu qabayno.
Si ay u fududeeyaan in la fahmo cognitive approach una soo dhaweeyaan habka ay u darsaan shaqada maskaxda waxay adeegsadeen tusaale “models” in aragtidan la fahmo soo dhawaynaya. Moodeelada waxa ka mid ah mid ay u bixiyeen 𝑰𝒏𝒇𝒐𝒓𝒎𝒂𝒕𝒊𝒐𝒏 𝒑𝒓𝒐𝒄𝒆𝒔𝒔𝒊𝒏𝒈 𝒂𝒑𝒑𝒓𝒐𝒂𝒄𝒉 oo odhanaya xogtu waxay garaadka qofka u dhex martaa sida computerka marxallado is daba socda. Marxalladahaasi waxay ku bilaabmaan xogta oo maskaxda soo gasha (input), kadib waa la kaydiyaa (storage) kadibna dib ayaa loola soo bixi karaa marka loo baahdo (retrieval). Hadana waxay isu ekeysiiyeen sida combuyutarradu u shaqeeyaan iyo sida maskaxdu u shaqayso: maskaxdu waa “central processing unit-CPU”, kaydinta macluumaadkuna waa “coding” u bedelaya xogtii filiqsanayd hab nidaamsan oo maskaxdu kaydin karto. Model kan maskaxda u ekeysiinaya combutarku waxa uu fududeeyay in la fahmo cognitive approach laguna dabaqo combuyutarrada casriga ah ee layidhaa “𝒕𝒉𝒊𝒏𝒌𝒊𝒏𝒈 𝒎𝒂𝒄𝒉𝒊𝒏𝒆𝒔” iyo “𝒂𝒓𝒕𝒊𝒇𝒊𝒄𝒊𝒂𝒍 𝒊𝒏𝒕𝒆𝒍𝒍𝒊𝒈𝒆𝒏𝒄𝒆”.
Marhadii aynu nidhi maskaxdu xogta way kaydisaa, waanay kala shaandhaysaa oo rogrogtaa, waxa is waydiintu tahay xogta qaab noocee ah ayay u kaydisaa? Su’aashaa jawaabteedu waxay ku jirtaa in aynu fahano macnaha ereyga 𝑺𝒄𝒉𝒆𝒎𝒂. Tusaale aan ku siiyo: Saxiibkaa waxaad taqaanaa muuqiisa (midabkiisa, dhererkiisa, dhumucdiisa iyo macaalimta wajigiisa), waxaad taqaanaa dabeecadiisa, dhaqankiisa marka ay soo wajahaan duruufaha qaarkooda iyo aragtiyaha uu ka qabo mowduucyada bulshada qaarkood. Xogta aad saaxiibkaa ka ogtahay way badan tahay, dhinacyo badanna way taabanaysaa; dhinacyada qaar aad ayaad uga taqaan, qaarna si guud ayaad u taqaan. Xogtaa saxiibkaa ku saabsan maskaxdu makhsin gaar ah ayay ku wada kaydisaa; kuma dhex darto macluumaadka kale ee aad asxaabta kale ka ogtahay. Makhsinkaa xogta qof keli ah, shay keli ah, ama mowduuc keli ah lagu kaydiyo waxa cognitive approach u bixiyay 𝑺𝒄𝒉𝒆𝒎𝒂.
To be continued.
Dr AbdikarimD.Hassan
Post a Comment