SO O M A A L I D A I Y O A K H R I S K A
Bulshada soomaaliyeed ee degta geeska Afrika waxay leedahay xadaarad iyo
sooyaal guda ballaaran, waa mid kamid ah bulshooyinka ugu ilbaxsan geeska
Afrika.
Soomaalida qarniyaddii dhexe waxay caan ku ahaayeen tirinta suugaanta,
gabayada, iwm.
Qarnigii 20aad ee la qoray farta soomaaliga waxa uu ahaa qarni ay soomaalida u kacday Akhris iyo qoraal, waxaa xilligaasi la bilaabay ololihii reer miyiga lagu
barayay farta soomaaliga iyo sida wax loo qoro, dhalintii ku jirtay dugsiyadda
ayaa kaalin mug leh ka ciyaaray ololahaasi.
Sanadihii todobaatanaadkii waxaa soo ifbaxay buugaag badan oo ku qoran afka Soomaaliga, sidoo kale waxaa dalka ka hanaqaaday wargaysyo ku qoran afka
Soomaaliga markii ugu horaysay taariikhda, heerka wax akhris ee bulshada
soomaalida xilligaasi meel fiican ayuu marayay, aqoonyahankii joogay waqtigaasi.
waxay bulshada ku booriyeen in ay wax badan akhriyaan.
Waxaa daaha laga rogay buugaag taariikhda galay, sheekooyin si farshaxmaysanloo diyaariyay iyo sidoo kale buugaagta manaahijta dugsiyadda oo loo badalay afka Soomaaliga, dadaaladaasi waxay sare u qaadeen heerka garaadka bulshada soomaalida waqtigaasi .
Balse maanta iftiinkaasi waa uu qarsoomay, sanado badan oo dib u dhac iyo
dagaallo ayaa la soo maray, horumar sidaas u buuranna ma muuqdo oo
laamiyaddii sideetankii la dhisay ayaa weli sidooda u taagan, da'yartii
mustaqbalka u ahayd dalka qaarna waxay mashquul ku yihiin barahaa bulshada, qaarna daroogo iyo qaad, qaar kale fadhi-kudiriryada iyo qabiilada ayay
waqtigooda ku qaadanayaan, inta yar ee soo hadhay ayaa wax akhrisa waxna
qorta, si intaas looga baxo waxaa habboon in la qaato 2 qodob.
▪Dhalintu waa in ay dhisaan heerkooda aqooneed, waa inay waqti geliyaan
daalacashada kutubta, waa in ay sameeyaan cilmi-baaris.
▪Tignoolajiyadda waxay ku faaftay degmo ilaa tuulo, waxaa habboon in dhalintu ay kaga faa'idaystaan barnaamijyada waxtarka leh ee ku jira aaladaha isgaarsiinta, tusaale in buugaag badan aad ka akhrido moobilka ama kombiyuutarka ama daawashada barnaamij wax kugu soo kordhinaya .
Si loo helo mujtamac fekeraya oo garaadkiisu kobcay waa in barayaasha
dugsiyada, iyo waalidiinta ay iska kaashadaan in lagu dhiirigeliyo jiilkan wax
Akhriska.
Cabdiraxmaan caaqiil
Buugga: HAGAHA AKHRISTAHA

إرسال تعليق