Saamaynta Akhlaada iyo Anshaxu ku leeyihiin horumarka qofeed iyo mida bulsheed. ________________________________________________

 Saamaynta Akhlaada iyo Anshaxu ku leeyihiin horumarka qofeed iyo mida bulsheed.

________________________________________________ 



Weedha, 'Anshax' marka dadka badidiisu maqlaan waxaa maskaxooda ku soo dhaca: dhaqanwanaag, hufnaan,  toosanaan,   dhawrsanaan, sariigasho, han, xishood, xumo ka caagid iyo kelmado lamid ah. Qaar kale anshaxa waxay la xiriiriyaan waxa garashadoodu u garawsato in uu yahay sax. Qaar kale anshaxa waxay u arkaan wixii bulshaddu qumanaan u aragto. Qaar kale anshaxa waxay la xiriiriyaan diinta. Qaar kale wixii waafaqsan xeerka dahabka (the golden rule) xeerkani waxa uu ku salaysan yahay argtida tiraahda "waa in aad dadka ula dhaqanto sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo." Qaamuuska af-Soomaaliga ee Yaasiin C. Keenadiid, anshaxa wuxuu ku macneeyey "xeerka dhaqanwanaaga iyo bulshanimadda." Qaamuuska af-ingiriiska ee Oxford-na mar wuxuu ku macneeyaa "qawaacida hagga hab-dhaqanka qof ama koox", marna "cilmiga lagu darso damiirka."  Damiirku waa xeerka naggi ee qof ama kooxi ku kala saarto saxa iyo khaladka ama waxa xun iyo waxa fiican. Xeerkaas naggi waa mid is bed-bedella.  Xiggasho "Furaha ganacsigga." 


Anshaxu waa indhaha bini'aadamku ku kala saaro xumaanta iyo samaanta; waa mastarada ay ku cabbiraan samaanta hab-dhaqankoodu ku yeelan doono noloshooda aduun iyo midooda aakhiro. Anshaxu sidoo kale, wuxuu kamid yahay tiirarka horumarka dawladaha, shirikaadka iyo shakhsiyaadka. Waxaaba la yiraahdaa "Ummad aan anshax lahayni aayo ma leh" ummadii anshaxoodu haggaago, muslim iyo gaal mid ka ay noqotoba, noloshooda aduunna waa haggaa." 


Quraanka waxaynu ku arkaynaa in Eebe Nabi Mohamed NNKH ku tilmaamay in uu ku sugan yahay dhaqan mida ugu saraysa وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍۢ. Akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsani waa mida tilmaanta mustaqbalka ummadeed iyo burburka ummadeed, sida uu sheegay gabyaagii carbeed ee Ahmed shawqi إنما الأمم الأخلاق ما بقيت...فإن هم ذهبت أخلاقهم ذهبوا. Sida oo kale Cali Axmed (Seenyo) markii uu ka warameyey dadka mudan in xil bushadda ay u qabtaan waxa uu astaan uga dhigay akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan wuxuuna yiri "Xumaan nin aan ka fogaan xil looma asteeyo." Nabiga NNKH waxa laga wariyaa in uu yiri "Kan ugu iimaan dhamaystiran mu'miniinta waa kiina ugu akhlaaq wanaagsan." Waxa kale oo Nabiga NNKH laga wariyaa in uu sheegay in wax kaga culus miisaanka maalinka qiyaame akhlaaqda wanaagsani aysan jirin ما من شيء أثقل في ميزان المؤمن يوم القيامة من حسن الخلق 


Qoraalkan yar waxa aan ku soo ban dhigi doonaa saamaynta ay akhaaqda iyo anshaxu ku leeyihiin, jiritaanka qofeed iyo mida bulsheed, waxa aan soo bandhigaynaa daraasado iyo baaritaano tiro badan oo muujinaya saamaynta ay akhlaaqdu ku leedahay, ubadka, hoggaamiyaha, waalidka, shaqaalaha, shaqada iyo dhamaan nolosha qaybeheeda kala gedisan, waxaan daaha ka qaadaynaa horumarada aqoomeed ee dunida maanta ka muuqda waxa sal u ah, waxaan isku dayeynaa inaan qoraalkan soo koobno oo uu noqdo mid lafahmi karo, isla markaasna macne weyn gudbiya. 


Akhlaaqdu waxay leedahay qeexitaano kala duwan, waxaana sabab u ah dhanka uu qof walba ka eegayo, waayo akhlaaqdu way guda balaarantahay, hadaba aan labba aqoonyahan qeexitaanadood soo qaadano, tusaale ahaan Imaamu Jurjaani Akhlaaqda waxa uu ku qeexay in ay tahay "qaab ay naftu leedahay oo si fudud aadanaha uga soo fula ficilo iyo hadalo uusan ka fekerin, hadii ay noqdaan waxa qofka ka soo baxaya wax wanaagsan waxaan ku tilmaamaynaa akhlaaq wanaagsan, hadii ay noqdaan wax xun waxaan ku tilmaamaynaa akhlaaq xun." Sida oo kale Ibn Manduur waxa uu ku qeexay akhlaaqdu in ay tahay "Sawirka hoose ee aadunuhu leeyahay, waxaana lagu garan karaa marka aad la sheekaysato, ama aad shaqo la qabato." 


Sheekadu waxa ay u taagantahay hadalada iyo aqwaasha qofku kula macaamilayo dadka kale, shaqadu waxay u taagan tahay balan ilaalinta qofka, qaab lamacaamilka quruxda badan ee dadka kale. Hadaba guud ahaan akhlaaqda aqoonyahanada qaar waxay ku cabiraan shan walxood waxaana kamida: Af-gaabnida qofka (extraversion), dad la dhaqanka (agreebleness), miyirka qofka (conscientiousness), degganaanta dhanka caadifada (emotional stability), iyo qaabilaada waxyaabaha cusub (openness to new expereinces). Shantan walxood aqoonyahanada qaar ayaa adeegsada sida Massey iyo qaar kale oo la mida. 


Hadaba Akhlaaqdu ama anshaxu xagee ku xiran yahay ama laga bartaa, tusaale ahaan Massey 1979kii waxa uu ku dooddaa in akhlaaqdu ku xiran tahay ama laga barto: waalidka, saaxiibbada, waxbarashada, diinta, warbaahinta, deegaanka, tiknoolojiyada iyo dhacdooyinka xilgaas taagan. Sida oo kale, Massey wuxuu qabaa, in akhlaaqdu mujtamaca isla bedesho, dhacdooyinka waaweyn ee soo wajahana ay saamayn ku leeyihiin. Tusaale ahaan wuxuu yiraahdaa, jiilkii kacay xilligii hoos-u-dhaca dhaqaalaha, soddonaadkii (1930s), waxa ka qiyam iyo akhlaaq duwan kuwii kacay lixdanaadkii (1960s), Sida oo kale inaga ka Soomaali ahaan kuwii kacay xiligii dawladii kacaanka ahayd, waxay ka qiyam iyo akhlaaq duwan yihiin kuwa kacay waqtigan casriga ah, ee uu internetku yahay waxa dadka intooda badan noloshooda qaabeeya. 


Akhlaaqda iyo anshaxu waxa ay saamayn ku leeyihiin, shaqada ay shaqaaluhu qabanahaan, tusaale ahaan "Waxa la sameeyey Daraasaad ku saabsan dowrka ay Akhlaaqdu ku leedahay shaqada uu qofku hayo, waxa soo baxay in 97% Shaqada qofku hayo ay ka ciyaarto Akhlaaqdu, halka 3% ay tahay aqoonta iyo khibrada uu qofka leeyahay. Dhanka kale waxa jirta xikmad oronaysa " Aqoon bilaa Akhlaaq ah, waxay lamid tahay geed bilaa miro ah/ العلم بلا ادب كشجرة بلا ثمر." Nabiguna waxa uu tilmaamayaa in mu'miniita qofka ugu iimaan dhamaystiran uu yahay kan ugu Akhlaaqda wanaagsan. 


Waxa jirta qayb falsafada kamida oo lagu darso akhlaaqda iyo anshaxa (Ethics and morals), Dhanka kale waxa jira in Giriigii hore ay dhigan jireen maado lagu tilmaamo akhlaaqda (Subject of ethics), tusaale ahaan waxa la soo guuriyaa in Giriigii hore ay aqoon u yaqaaneen 6 shay waxayna kala ahaayeen: Maths-ka, physics-ka, metaphysics-ka, ethics-ka, politics-ka, iyo ecnomics-ka. Sida oo kale waxa la sheegaa in horumarka aqoomeed ee dalka japaan waxa sal u ah uu yahay, in ay jirto maado lagu tilmaamo "moral education." waxaana lagu bartaa xadaanada ilaa jaamacada (from pre-school upto university), Dhamaan waxaas oo dhan waxay tilmaamayaan muhiimada ay akhlaadu iyo anshaxu ku leeyihiin, horumarka aqooneed, bulsheed, iyo dawladeedba. 


Hoggaamiyaha iyo dadka uu hoggaaminayo waxa saamayn ku leh, dhaqanka iyo akhlaaqda uu leeyahay hoggaamiyuhu. Tusaale ahaan, daraasad dhawaan lagu sameeyey waddanka mareykanka ayaa muujisay in 4 kamid ah 10-kii hoggaamiye ee soomara mareykan ay noqdaan kuwo leh akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan, dhanka kale waxa jira daraasado tilmaamaya in qaab dhaqanka hoggaamiyaha iyo akhlaaqdiisuba ay raadeyso dadka uu hoggaaminayo, waxaana jirta xikmad tiraahda "Shacabku waxa ay leeyihiin dhaqanka madaxdooda / الناس على دين ملوكهم." Akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsani waxa ay sarre u qadaan wax-soosaarka waddanka, shirkaadka iyo shaqada laqabanyo. Tusaale ahaan daraasad ay samaysay 'Governance metrics international' ayaa xaqiijisay in shirikaadka danaha mujtamaca ka horumariya danohooda gaarka ahi ay ka faa'iido sareeyaan 25% shirkaadka ka fekera danohooda kaliya. 


Daraasad kale oo Abbasi iyo Rehman 2010-kii, ku sameeyeen waddanka pakistan ayaa muujisay in xiriir xoogani ka dhexeeyo qiyamka hoggaanka, hab-dhaqanka hoggaanka iyo waxqabdka shirkadda. Waxay daraasadoodu muujisay in hoggaamiyaha leh qiyam wanaagsani, si wanaagsan uu ula dhaqmo dadka uu hoggaaminayo, qaabdhaqankaas wanaagsan ay horseedo in shaqaalaha iyo hoggaanku sifiican u wada shaqeeyaan, wada shaqayntaas fiicanina ay horseed u noqoto wax soosaar fiican iyo faa'iido la mahadiyo.  Dhanka kale Kousez iyo posner (2002) ayaa waxay soo bandhigeen shaandho, lagu kala ogaanayo in hoggaamiyuhu akhlaaq iyo qiyam leeyahay, iyo in kale. shaandhadaas waxaa kamida:_ 


1: Ma israacsan yihiin qowlka iyo ficilka hoggaamiyuhu.

2: Ma yihiin kuwo waxay dadka kale ka rabbaan iyagu marka hore naftooda ku tijaabiya.

3: Ma oofiyaan ballamaha ay shacabka u balan qaadaan. 


Iyagoo arintaas ka duulaya Kousez iyo Posner (2002) waxay ku doodaan in xeerka 1aad ee hoggaamintu tahay "hadii aadan rumaysnayn qofka fariinta xanbaarsan, ma rumaysnid fariinta uu xanbaarsan yaahay / If you don't believe the menssenger, you don' believe the messagge." 


Daraasad kale oo ay Kouzes iyo Posner (2002), ku sameeyeen waddamada Maraykanka, Japan, Scandenavianka, Malaysia, Ustaraaliya, Mexico iyo Singabuur, ayna ka qayb qaateen dad ka badan 75,000 oo qof oo ka shaqeeya shirikaadka iyo hey'adaha waaweyn, ayaa muujisay in daacadnimadu (honest) tahay waxa ugu horreeya ee ay ka fiiriyaan hoggaamiyaha. Waddamada qaarkood, sida Malaysia (95%), Ustaraaliya (93%) iyo kanada (88%) waxayba sheegaan in aysan macquul ahayn in ay daba galaan hoggaamiye aan daacad ahayn. Mar la weydiiyey sida ay ku qiimeeyaan daaacadnimada, waxay isku raaceen in daacad lagu tilmaami karo "qofka qowlkiisa iyo ficilkiisu is waafaqaan." Aristotle (384 -322 ), akhlaaqda iyo anshaxa waxa uu ku tilmaamay "astaanta lagu garto qofka hoggaamiye noqon doona mustaqbalka." Daraasaadkan waxa aan ka arkaynaa in akhlaaqdu tahay xabagta bulshadda iyo hoggaamiyaha isu haysa. 


Sida aan xagga kore, ku soo tilmaamnay Massey waxa uu ku dooddaa in ubadku, Akhlaaqda ka bartaan waalidkood iyo saaxiibada ay ku xirmayaan, hadaba marna ma is weydiisay xagee ayey ubadka Soomaaliyeed ka bartaan beenta? inta aan kuu tilmaamin meesha ay ka bartaan, xadiiska uu abii-daauud iyo bayhaqi warinayaan Cabdilaahi ibn caamir ayaa waxa uu leeyahay isaga oo uu nabigu NNKH gurigayaga joogo ayaa hooyaday ii yeertay maalin waxayna tiri "kaalay hooyo waxbaan ku siinayaa e, maxaad siinaysaa ayuu nabigu yiri, markaasay hooyadii tiri, timir baan siinayaa, markaasuu nabigu yiri, hadii aadan siin lahayn timirta,  been baa laguu qori lahaa." xadiiskan   waxa laga fahmayaa in ubadku waalidka ka barankaraan beenta iyo akhlaaqda xumada, sida oo kale nabigu waxa uu hooyadan u tilmaamayaa in aysan ubadkeedda u noqon tusaale xun. 


Hadaba aan su'aasheena u soo noqono xagee ubadka Soomaliyeed ka bartaan beenta? Anigu waxa aan qabaa in beenta, cayda iyo dhaqamo kale oo aan qurux badnayn ay ubadku ka bartaan, labada waalid iyo guriga ay joogaan. Tusaale ahaan waxaad arkaysaa, waalid caruurtiisa yar yar ku leh hooyo ama aabe, hadii aad waxaas qabataan waxaan idiin keenayaa, nac-nac, gaari iwm, caruurtii hadii ay waayaan alaabta ay waalidku u balan qaadeen, waalidku wuxuu sabab u noqonayaa in ubadku ay beenta bartaan. Waxa kale oo ay cayda iyo af-lagaadada ka bartaan labadda waalid. Tusaale ahaan, maadaama ay dadka Soomaliyeed yihiin dad qof iska dhicintu ku badan tahay, guryaha Soomaliyeedna aan anshax iyo kala dambeyn lagu dhaqmin, mar walba oo ay labbada waalid, caruurta hortooda isku af-gaadeeyaan ama ay isku caayaan, halkaa waxay caruurtu ka baranayaan cayda ay iyagu iscaayaan iyo af-lagaadada ay mararka qaar kula caan waalidka, iwm. Hadaba dooda Massey waxa ay noqonaysaa mid dhab ah. 


Qalinka; Axmed Xisaam Miido

Post a Comment

أحدث أقدم