Aragtida ogaalka (Epistemology) [1] 

 Aragtida ogaalka (Epistemology) [1] 

Gogolxaar 


1. Waa maxay aragtida ogaalku?

2. Maxayse tartaa? 


Culuumta la barto waxaa loo qaybiyaa labo:

1. Culuum yool ah, oo ah waxa loo socdo ee la hiigsanayo

2. Iyo culuum dawtoosin ah oo waddada aad aqoontaas ku gaarayso ku tusinaysa.

Middaan labaad ayaana barasho ahaan horraysa. Hadba sida ay culuumtaas dawtoosinta ahi kuugu toosto ayaa tan  yoolka ahina kuugu toosaysaa. Waana meesha ay Soomaalidu ka tiraah: “Quraankii Alifka ka qalloocda Albaqara kama tooso” Ujeedka alifku waa inaad quraanka akhriskiisa ku barato, ka warran haddii aan xuruufta dhan kugu dabogeddiyo? Oo matalan xarafka (ج) kuu baro in “Kaaf” loogu dhawaaqayo? Waxaa khasab ah in hadhow adigoo isu haysta inaad Quraan akhrinayso aad af shiinays ku dhawaaqayso. 


Culuumta shariicada markii la baranayo waxaa jira culuum badan oo dawtoosintaas ah, sida usuulufiqiga, musdalaxa, usuulutafsiirka Iwm. Sidaa darteed, haddii aan rabo inaan fiqiga, tafsiirka, ama xaddiiska kugu dabogeddiyo waddada ugu dhow waa inaan culuumtaas ibafurka u ah kugu dabogeddiyo, ama kaalaba dagaallamo, si aad u weyso miisaan saxan oo fiqi ah, tafsiir ah, ama xaddiis ah. 


Aragtida ogaalku kuwaan oo dhan way ka sii horraysaa, waana iridda koobaad ee aqoonta oo dhan laga soo galo, qofkii aan iyada aragti ka haysanna wax aqoon ah oo uu dhisi karo ma jiraan, khasabse ma ahan inuu magacaan u yaqaan, waayo waxyaalaha qaarkood ayaga oo aan noo qodobbaysnayn, magacna noo lahayn ayaan go’aan ka gaarnaa. 


Abtiriska culuumta markii la fiiriyo, aragtida ogaalku waa laan ka mid ah laamaha falsafadda. Falaasifadu berigii hore waxay ka hadli jireen arrimaha jiritaanka (Ontology). Waa dambe ayaa waxaa soo baxay niman “Safsadaa’iyiin” la oran jiray (oo aan gadaal ka ogaan doonno waxa ay yihiin) nimankaas sababkood ayaa laantaan ogaalku (Epistemology) ugu soo darsantay falsafada. Laanta saddexaad ee labadooda soo raacdana waa Axiology oo qaayaha (Qiyam) lagu diraaseeyo. 


Aragtida ogaalku waxa ay ka jawaabto saddex su’aal ayaa ugu waaweyn:

1. Habkee wax loo ogaadaa?

2. Ilaha ogaalku waa xaggee?

3. Wax xaqiiqo ah oo la ogaan karaa ma jiraan? 


Su’aalahaas duuduuban waxba lagama fahmi karo, ee aan su’aalaha gudaheeda ku jira kuu furxiyo. 

1. Muxuu yahay miisaanka saxan ee wax lagu qiimeeyo?

2. Dawgee loo maraa xaqiiqo baarista? Ilo aqooneedka aan cuskan karose waa kuwee?

3. Wax walba ma shakiga ayaa asal u ah mise hubantida? Goorma ayaa shaki loo baahanyahay goorma ayaanse loo baahnayn?

4. Dareemayaasha shanta ah iyo waxyaalaha laga ogaado kalsoonida lagu qabi karo intee bay qodantahay?

5. Waa maxay caqli? awooddiisa iyo xudduuddiisu xaggee bay ku egyihiin?

6. Muxuu yahay xiriirka caqliga iyo diinta ka dhexeeya? Ma is khilaafi karaan? Haddii ay is khilaafi karaanse midkee la hormariyaa?

7. Xiriirka diinta iyo sayniska ka dhexeeya muxuu yahay? Ma iska hor yimaadaan marmar?

8. Warka laguu sheego shuruudda lagu qiimeeyo saxnimadiisu maxay tahay?Immisa ayuu u qaybsamaa warka la maqlo?

9. Waa maxay mucjiso? Mucjisooyinka nebiyadu caqliga miyay ka hor imaanayaan?

10. Maxaa la dhihi karaa “maangal” maxaanse la dhihi karin? Caqli iyo ra’yi maxay kala yihiin?

11. Maxaan waxyaalo ghayb ah oo aannan arkin u rumaysannahay? Mase tahay maangal?

12. Muxuu caqligu ku wareeraa? Muxuuse diidaa? Iwm. 


Runtii, ma jirto aragti ogaal oo la isku waafaqsanyahay ee qolo walba aragti gaar ah bay leedahay, falaasifada oo arrinkaan ka hadalkiisa lagu bartayna midba meel ayuu ku dhuftay, culimada fikirka islaamiguna si ka duwan qaabkii falaasifada ayay uga hadleen. Firqooyinka islaamiga ah ayaa xataa ku sii kala aragti duwan, oo qolo walba waxay leedahay hab ogaal u gaar ah, waana jiridda iyo halka uu u dhimanayo ismaandhaafkoodaba. 


Ma rabo inaan aragtidaan iyo cidda soo bilowday ee loogu taariikheeyo waqti idin kaga lumiyo, balse culimada fikirka islaamigu si teelteel ah ayay kutubtooda meelo kala duwan uga hadleen, sida: hordhacyada kutubta caqiiddada. Culimada qaarna kutub iswadata ayay ka qoreen, sida: Alqaaddii Cabduljabbaar oo mujallad dhan oo ka mid ah kitaabkiisa muqniga (المغني) arrintaan keliya uga hadlaya. 


Si aad u ogaato gundheerida mawduucaan aan rabo inaan dhawrka qormo ku soo koobo, waxaad fiirisaa Ibnu Teymiye ayaa hal su’aal oo ah “Waa maxay xiriirka diinta iyo caqliga ka dhexeeya?” ka qoray kitaab iska weynaaday oo 11 mujallad ah! Hadde waa hal su’aal! Waa kitaabkiisa “درء تعارض العقل والنقل” 


Mawduuca sidaas u ballaaran ayaan isku dayi doonaa inaad qodobbo kookooban ka soo qaato, qofkii faahfaahin doonayana tixraac baan siin doonaa, haddii Alle idmo. 


Mahadsanidiin. 


Daaud cali

Post a Comment

أحدث أقدم